Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isagoo ku hadlaya Afka Urur Siyaasadeedka KAAH, wuxuu ku dhawaaqay inuu ku martiqaadayo Puntland kooxda kubadda Cagta Soomaaliya ee 17jirada kuwaas oo ku guuleystay tartanka da’yarta Bariga iyo Bartamaha Africa.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Kharashka iyo wixii ku baxaya casuumaada ciyaartoydaas uu Ururka KAAH bixin doono.

“Hambalyada iyo Bogaadinta aan u direyno Kooxda Kubadda Cagta ee Soomaaliyeed, ee ku guuleysatay tartanka da’yarta Bariga iyo Bartamaha Africa, waxaa inoo dheer in anigoo ah Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH aan halkan kaga dhawaaqayo, in Ururku uu Puntland ku martiqaadayo Kooxda Kubadda Cagta ee Soomaaliya taariikhda usoo hoysay.

Waa madaxweyne goboleedkii ugu horeeyey ee casuumaad u fidiya kooxda kubadda Cagta Soomaaliya ee ku guuleystay tartanka da’yarta Bariga iyo Bartamaha Africa oo beri la filayo iney ku soo laabtaan dalka.

halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Madaxweyne Deni

https://rbnnews.net/wp-content/uploads/2022/10/deni.mp4
Share.

Leave A Reply