Hamza Abdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa caawa casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Addis Ababa cayaartoyda Xulka Qaranka ee 17 jirrada.

Kuwaas Oo shalay ku guuleystay koobka cayaaraha Bariga iyo Bartmaha Afrika ee CECAFA Ee 17jirrada.

Kooxda oo cayaartii u dambeysay uga adkaatay kooxda South Sudan 3 iyo 1, ayaa waxaa berri ay koobka Keeni doonaan magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Munaasabadda cashada waxa sidoo kale ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Goleyaasha dowladda.

Maalinnimada berrito ayaa la filayaa iney soo gaaraan Magaalada Muqdisho Ciyaartoyda17jirrada Soomaaliya Iyadoona la qaban qaabinayo Munaasabado lagu soo dhaweyn doonno.

Share.

Leave A Reply