Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa maanta daah-furay Shirka horumarinta Beeraha Puntland Kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah Iyadoona Shirka lagu aadiyay Maalinta cuntada Adduunka oo laga xusay Garoowe.

Madaxweynaha Deni ayaa sheegay in Dowladdu siinayso ahmiyad gaar ah wax soo saarka, isagoona ku booriyay dadka Puntland in ay wax soo saarka badiyaan,

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale Munaasabadda ka sheegay in Dowladiisu ay diyaarinayso Qorshe lagu maalgelinayo si macquul ah ganacsatada iyo dadka la yimaada hal abuurada ganacsi ee Beeraha iyo Horumarinta wax soo saarka.

Share.

Leave A Reply