Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka iyo saraakiil kale ayaa maanta kulan la yeeshay xilibaanada iyo saraakiisha Hogaamineysa ciidanka Deegaanka Ee Is abaabulay kuna Wajahan Ceel buur iyo deeganada hoos yimaada.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa u ballan qaaday in ay taageero dhinac walba ah uu maamulka siin doono ciidamda cusub ee dhawaan ku soo biiray howlgalka looga soo Horjeedo Alshabaab.

Taliyaha ciidanka dhulka Gen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa dhankiisa ciidanka ku boggaadiyay ka go’naashahooda xoreynta deegaanadooda.

Xilibaan Jacfar oo ka mid ah Golaha Shacabka ee baarlamaanka somalia ayaa isna dhankiisa sheegay in ciidamda xoreynta degmadda ceel buur iyo deegaanada hoos yimaada ay yihiin kuwa u caaboon in dhulkooda ay Xoreystaan

Share.

Leave A Reply