Mudane Xamse Cabdi Barre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta kullan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somaalida, Mudane Mustafa Maxamuud Cumar, kaasi oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne Mustafa ayaa warbixin guud ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa xaaladda deegaanka iyo mashaariicda horumarineed ee Dowlad Deegaanku ka hirgelisay gobollada mudadii afarta sano ee ay xilka hayeen.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, waxaana uu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay xilligan in iskaashi dhaw iyo wadashaqeyn buuxda laga sameeyo la dagaallanka Kooxda Alshabaab.

kullanka kadib Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa booqday xarumo kala duwan oo ay ka hawlgalaan hey’adaha Dowlad Deegaanka iyo xarun weyn oo loo dhisayo Baarlamaanka Dowlad Deegaanka.

Share.

Leave A Reply