Dagaalo culus oo faraha leyskula tagay una dhexeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AS ayaa maanta ka dhacay Tuulada Muryaale oo u dhexeysa Basra iyo Balcad.

Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa waxaa guulo ka kala Sheegtay dowladda Soomaaliya iyo AS.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Ee Dowladda CabdiKaamil Shukri Macalin ayaa Warbaahinta u Sheegay iney dagaalka kaga dileen AS 19 Dagaalyahano.

Dhanka Kale Kooxda AS ayaa sheegatay in Dagaalkii Maanta Ee ka Dhacay Tuulada Muryaale ay ku dileen 12Askari.

Toddobaadkii hore ayey aheyd kadib Markii deegaanka Basra ay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AS.

Share.

Leave A Reply