Kadib Juhdi iyo dadaal waxaa lagu guuleestay in meydkiisa la soo saaro Maxamed saciid.

Ninkaan oo wax ka badan 24sac ay la xarbinayeen dadka deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag si ay nolol iyo geeriba ay ugu soo saari lahaayeen god ku dumay xilli uu dahab ka baarayay godadka dahabka laga soo saaro ee deegaanka Milxo.

Hadda Ayaaa La Xaqiijinayaa in lagu Guuleestay in la soo gabagabeeyo Howshii lagu baadi goobayay.

Goobjoogayaal la hadlay Warbaajinta RBN Ee Magaalada Muqdisho ayaa inoo Xaqiijiyay in meydka Ninkaasi hadda la soo saaray.

AUN Maxamed Siciid ayaa saqdii dhexe ee Khamiista uu ku dumay god laga qoto dahabka, Ee kuyaala deegaanka Milxo.

Dadka deegaanka oo adeegsanaya qalabka ay heli karaan ayaa saacado badan ku qaatay qodida godkaas dumay,

Waxaana ay sheegayaan in aanay jirin cid maamul ah oo ku gacan siisay.

RBN NEWS_La soco Goorwalba&GoobKasta

Share.

Leave A Reply