RBN NEWS SOMALIA: 14, Sebtember, 2022: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Tiina Intelmann.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan xoojinta iyo dardargalinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageerayo Dowladda Hirshabelle Sida Gurmadka abaaraha, Sugida amniga, Sare u qaadida mashaariicda horumarineed iyo dhisida awoodaha hay’adaha kala duwan ee Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii Hirshabeelle ay uga taageeri lahaayeen howlaha hortabinta u leh dowladda.

RBN NEWS SOMALIA
Share.

Leave A Reply