Guddiga Golaha Mihnadlaaysha Caafimaadka Qaranka (NHPC) ayaa yeeshay kulan shaqo kaas oo kadhacay Xarunta Wasaaradda Cafimaadka ee Dolwadda Federaka Soomaaliya, ujeedada kulanka ayaa ahayd in Guddigu iska dhaxdoortaan Guddoomiye iyo Ku-Xigeen Guddoonka Golaha sida ku xusan Sharciga Golaha Mihnadlaaysha Caafimaadka Qaranka (NHPC) ee tirsigiisu yahay LR.31 Qodobkiisa 3aad farqadiisa 2aad.

Doorashadii Guddoonka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa u dhacday sidan

A) Xilka Guddomiyaha Guddiga Golaha Waxaa isku soo sharaxay ilaa 3 Xubnood:

  1. Dr. Cumar Daahir Maxamuud oo kasocday Ururka fayadhowrka Soomaaliyeed (PRH)
  2. Prof. Tahliil Cabdi Afrax oo oo kasocday Xurumah Waxbarashada Caafimaadka Jaamacadaha.
  3. Prof. Maxamed Yusuf oo kasocday Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed (SMA)

Kadib codeyn daahfruran, waxaa xilka Guddoomiyaha Guddoonka Golaha ku guuleystay Prof. Maxamed Yusuf oo si rasmi ah u noqday Guddoomiyaha Guddiga Golaha Mihnadlaaysha Caafimaadka Qaranka (NHPC).

Sidoo kale Xilka Guddomiye Ku-Xigeenka Guddiga Golaha waxaa isu soo sharaxay ilaa
3 Xubnood:

  1. Dr. Yahye Cabdiqaadir Maxamuud oo ka socday Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed (SMA).
  2. Zamzam Maxamed Aadan oo ka socotay Ururka kalkaaliyayaasha Soomaaliyeed (SNA).
  3. Dr. Cabdiladif Axmed Xasan oo ka socday wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Sidoo kale waxaa codeyn daahfruran loo qaaday Doorashada Xilka Guddoomiye Ku-Xigeenka Guddoonka Golaha, waxaana si rasmi ah ugu guuleystay Dr. Cabdiladif Axmed Xasan oo noqday Guddoomiye Ku-Xigeenka Guddoonka Golaha.

Kulanka Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-Xigeenka Guddoonka Golaha waxaa goobjoog ka ahaa Xoghaya Guud Guud ee Golaha & Madax kale oo katirsan Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka waxay aad u bogaadinayasaa dadaalka Guddiga iyo habsamida kulamada shaqo ee dhisidda Hanaanka Golaha Mihnadlaaysha Caafimaadka Qaranka (NHPC) kaasoo baahi badan loo qabo in aya taabagasho.

RBN NEWS SOMALIA
RBN NEWS SOMALIA
RBN NEWS SOMALIA
RBN NEWS SOMALIA
RBN NEWS SOMALIA
RBN NEWS SOMALIA
RBN NEWS SOMALIA
RBN NEWS SOMALIA
RBN NEWS SOMALIA
Share.

Leave A Reply