Al-shabaab ayaa deegaanka Baraag Ciise ee gobolka Mudug saaka ka afduubtay 7-ruux iyo ku dhawaad sedax kadin oo Geel ah.

Guddoomiyaha deegaanka Bajeela, Maxamed shuuke Abshir, ayaa xaqiijiyay in aroornimadii  hore ee Saaka ay Al-shabaab afduubteen shacab xoolo dhaqato ah iyo xoolahii ay wateen.

Dadka deegaanka ayaa marar badan isku dayay in ay ka horyimaadaan in laga qaado xoolo Al Shabaab Ay Kaqadijireen Dadka Degaanka, taas oo sababtay isku dhacyo dhexmara Ururka Al Shabaab iyo dadka deegaanka oo is abaabulay.

Bilihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ayaa weeraro Iyo Culeys Sarayay dadka reer miyiga ah qeybo ka mid ah deegaanada Koonfurta gobolka mudug.

Share.

Leave A Reply