Afhayeenka Ciidanka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadalay goordhaw Warbaahinta ayaa ka warbixiyay weeraro ay koxaha argagixsada Al-shabaab xalay ay ku soo qadeeyn degmooyin kamid ah Gobalka Banaadir.

Afhayeenka ayaa sheegay in argagixisadu oka xun horumarka iyo dhismooyinka ka socda ay weeraro qaraxyo ah iyo dagaal toos ah ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Booliska degmada Kaxda balsa ciidamada geesiyaasha qaranka Somaaliyed ee saldhiga ku sugnaa ay iska difaceen werarkasi,isagona tilamay in argagixisadii werarka soo qaaday oo u baxsatay dhanka Shabeellaha Hoose ay ku raad jogaan ciidamada dowlada kacantana lagu soo dhigi doono.

Afahayeenka ciidanka Booliska ayaa sidokale sheegay in weerar ku bilawaday Gaari laga soo buuxiyay waxyabaha qarxa uu ka dhacay xaafada Daaru-salaam ay ku geeriyoodeen laba oo dumar ah halka ay ku dhawacmeen 16-qof oo Shacab ah iyo saddex askari oo katirsan ciidamada dowalda

Share.

Leave A Reply