Mudane Ahmed Moallim Fiqi Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiinta XFS ayaa u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed hambalyo ku aadan sannad Guuradii 79-aad Ee kaso wareegatay Aas aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Gudaha Federalka iyo dib-u- heshiisiinta ayaa farriinta hambalyada si toos ah hawada ugu mariyay Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda 79-guurada kasoo wareegtay aas aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Wasiirka Fiqi ayaa ku ammaanay kuna bogaadiyey Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed howsha nafhurnimada ah ay u hayaan shacabka iyo xaqiijinta amniga iyo xasilinta Dalka,

Share.

Leave A Reply