Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka banaadir ayaa saaki kormeer ku sameeyay wadooyinka magaalada muqdisho kaas oo ay ugu kuur galayaan bilicda iyo nadaafadda wadooyinka caasimadda.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale iyo Xog’hayaha guud ee Gobolka Feysal Carraale Afrax ayaana kormeer ku tagay degmooyinka Kaaraan. Yaaqshiid. Hodan.Howlwadaag. Wadajir. iyo Dharkeynley.

Agaasimaha Guud ee Nadaafada Iyo Bilic Soo celinta ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Suudi ayaa sheegay in Dowladda Hoose ee Xamar ay xoojin doonto howlaha kor loogu qaadayo Bilicda Magaalada.


Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale iyo Xog’hayaha guud ee Gobolka Feysal Carraale Afrax ayaa si wadajir ah ula dardaarmay bulshada Caasimadda.

https://rbnnews.net/d3b22b78-20ce-4b8d-bc3f-915f36d1f7fd
Share.

Leave A Reply