Mudane Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda Dowladda Hirshabeelle.

Ugu horeyn waxaa Shirka Golaha Xukuumada lagu dhaariyay xubno kamid ah golaha Wasiirarda iyadoo kulankaan looga hadlay howlgallada kooxda alshabaab looga xureyay deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle iyo sidii sida ugu dhaqsiyaha badan maamulo loogu dhisi lahaa deegaannada shabaabka laga saaray,

Madaxweynaha Cali Guudlaawe Xuseen ayaa golaha uga waramay howlagalada socda ee lala galay alshabaab iyo safaradii uu ku tagay dhamaan deegaanadii ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.wuxuuna faray madaxweynuhu Wasaaradaha Dowladda in deegaanada la xureeyay la gaarsiiyo adeegyada aas aasiga ah u ah nolosha ee lagu horumarinayo deegaanadaas.

Dhanka kale Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kulankaan warbixinno uga dhageystay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Amniga, Cadaaladda, Gargaarka, Diinta, Caafimaadka, Waxbarashada, Tamarta iyo Haweenka,

Ugu dambeyn Golaha Wasiiradda dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen miisaaniyad sanadeedka Dowladda ee 2023 oo dhan 24, 957, 853.70 dollar.

Share.

Leave A Reply