Waxaa goordhaw gaaray magaalada beydhabo ee xarunta kumeel gaarka maamulka koonfur/galbeed Soomaaliya Wafdi ballaaran oo ay hogaamineyso wasiiradda haweenka iyo arimaha qoyska dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiye.

Wafdiga Wasiirad khadiija waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa wasiirada wasaaradaha haweenka ee dowlad goboleedyada dalka.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada beydhabo waxaa wafdiga ku soo dhaweeyay Waxaana wasiirka wasaarada haweenka Dowlada KGS iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxtooyada DGKGS ayaana hab maamuus wanaagsan ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha.

Ujeedada socdaalka mas’uuliyiinta ee magaalada baydhabo ayaa lagu sheegey iney tahay sidii ay kaga qeyb gali lahaayeen xuska munaasabada sanad guurada 4-aad ee madaxweyne cabdicasiis iyo arimo kale.

Share.

Leave A Reply