Gabdho da’dooda ay ka yartahay 10sano islamarkaana wax ka baranayay Dugsi qur’aan ayaa la sheegayaa in macalinkoodii uu kula kacay fal kufsi ah.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaana maanta gacanta ku soo dhigay islamarkaana xabsi dhigay macalinkaasi.

Gabdhaha uu macalinka dugsiga kufsiga kula kacay ayaa tiradooda lagu sheegay saddex gabdhood kuwaas da’dooda ay ka yar tahay 10-sanno jir.

Jeneraal Zakiya Xuseen  Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliya ayaa qoraal ay ku soo qortay ku sheegtay in macalinka uu ku xiran yahay saldhiga booliiska magaalada Dhuusamareeb.

Waxeyna qoraalkeeda ku tiri “Taliska Boliiska Galmudug gaar ahaan saldhiga degmada Dhusamareeb ayaa ku guuleystay soo qabashada Edeysane Shuceyb Cabdi Maxamuud 27 jir macalin dugsi ah oo 3 gabdho oo labo ay yihiin 9 jir midna ay tahay 7 jir kufsi u geystay,”

Arintaan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayaa noqotay mid aad looga argagaxo iyadoona dhacdo nooceeda oo kale ay ku cusub tahay dhagaha bulshadda soomaaliyeed.

Share.

Leave A Reply