Kulan ay ku yeesheen magaalada beydhabo Ee Xarunta gobolka Bay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur/galbeed Cabdicasiis Laftagareen loogana hadlayay sidii meel la isugu keeni lahaa madaxweyne laftagareen iyo siyaasiyiinka ka soo jeeda koonfur/galbeed ee dhaliilsan madaxweynaha.

Sh Aadan Madoobe iyo Laftagareen ayaa isku afgartay 6 qodob, Oo kala ah;
1- In dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.

2- In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer (fedaraal iyo dowlad goboleed) si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada iyo dagaalka kooxda Al-shabaab.

3- In laga wada-shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

4- In sida ugu dhakhsiyaha badan Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu u soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dar dar galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo.

5- Furitaanka shirka waxaa loo asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo.

6- Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa ka mahad celinayay soo dhoweyntii diiraneyd ay u sameeyeen madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed.

Share.

Leave A Reply