Nin ku hubeysnaa bastoolad 16qaad ah ayaa la sheegayaa inuu weerar toos ah ku qaaaaday goob ay ku shir sanaayeen guddiga Iskaashatada guryaha ee magaalada Roma Caasimadda dalka Talyaaniga

Ninkaan toogashada geystay ayaa la xaqiijinayaa inuu aad kaga soo horjeeday lacagaha sanad walba lagu kordhiyo dadka kireystayaasha ah isagoona arintaasi marar badan ka dhiidhiyay.

Dabayaaqadii toddobaadkii hore ayaa la sheegayaa inuu galay xarun lagu barto shiishka hubka isagoona ugu dambeyn maanta fuliyay weerar uu ugu talagalay munaasabadda sanad walba ay ku kulmaan gudiyada iskaashatada guryaha.

Wariye ku sugan magaalada Roma ayaa u sheegtay laanta bbc-da in ninka toogashada fuliyay uu iridda hore ka soo istaagay goobtii kulanka uu ka socday dabadeedna bastoolad 16qaad ah uu ooda kaga furay.

Ilaa sided xabadood markii ay u dhacday ayaa la sheegayaa inay ka istaagtay bastoolada sidaana ay ugu xoomeen dadkii ka badbaaday xabadihii uu ridayay,

saddex dumar ah oo kamid ahaa shaqaalaha gudiiga iskaashatada oo goobta ku dhaawacantay ayaa markii lala cararay goobaha caafimaadka u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Share.

Leave A Reply