Maalin talaado ayna ku beegneyd 25-kii October, Ee Sanadkan askari kamid ahaa ilaalada garoonka diyaaradaha ee magaalada jigjiga ee dowlad deegaanka soomaalida itoobiya ayaa rasaas ooda kaga qaaday dad rayid ah oo ay ku jirtay xildhibaanad juweeriuyo subcis.

Rasaasta ayaa sababtay geerida AUN Xildhibanada iyo dhaawaca Shan qof Oo rayid ah kuwaas oo goobaha caafimaadka lala cararay.

Laamaha amaanka ee garoonka diyaaradaha ee magaalada jigjiga ayaa durba gacanta ku dhigay askariga falkaasi geystay iyadoona loo gudbiyay xafiisyada dambi barista.

Ugu dambeyn maanta ayaa maxkamad la soo taagay askarigii ka dambeeyay rasaastaasi ay sababtay xildhibanad juweeriyo subcis waxaana lagu xukumay xukun dil toogasho ah.

Madaxweynaha dowlad deegaanka soomaalida ee itoobiya  Mustafe Cagjar  ayaa islamaalintii fal dambiyeedkaasi uu dhacay wacad ku maray in xukun adag la marsiin doono askariga rasasta ooda kaga qaaday dadka rayidka ah xildhibaanadana ay ku geeriyooday.


Shacabka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sidoo kale ka codsaday Xukuumadda ka arrimisa dowlad deegaanka Soomaalida in caddaaladda la marsiiyo Askarigii dilka iyo dhaawaca ka dhex gaystay gudaha garoonka diyaaradaha ee Jigjiga. Ta oo maanta lagu fuliyay,

Xildhibaanadda Juweeriyo subcis ayaa inta badan can ku aheyd howlaha gargaarka iyo Samafalka, waxaana geerideeda aad uga naxay shacabka deegaanka Soomaalida Itoobiya..

Share.

Leave A Reply