Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur  ayaa waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo garoonka diyaaradaha magaalada Xudur ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Sidoo kale maamulka gobolka Bokool, kan degmada iyo qeybaha bulshada ayaa Iyana ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyay sh.Aadan Madoobe.

Soo dhaweyn kadib guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Bakool iyo Guddoomiyaha degmada ayaa kaga warbixiyay guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xaalada gobolka iyo guud ahaan deegannada ku xeeran,

Waxeyna sheegeyn in gobolka uu muddo go’doonsan yahay islamarkaana dadka degaanka aysan helin nolol ku filan,

Share.

Leave A Reply