Axmed Macallim Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya ayaa maanta furay kulanka “Dib u eegista Hannaanka Dhab-u-Heshiisiinta Qaran”.

Waxaana shirka goobjoog ka ah oo ka soo qeyb galay dowladda federaalka, dowlad gobolleedyada iyo qeybaha bulshada sida Culuma’udiinka odeyaasha, haweenka iyo dhalinyarada.

Kulanka dib u eegista hanaanka dhab u heshiisiinta qaran waxaa bandhig ku saabsan qaabka ay u arkaan dhab u heshiisiinta kasoo jeediyey wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ah, wasaaradda dhalinyrada federaalka ah, maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur galbeed, golaha shacabka iyo mas’uuliyiin kale.

Arrimaha ugu muhiimsanaa ee laga hadlay waxaa ka mid ahaa kaalinta maamullada ee dhab u heshiisiinta, doorka culimada, dhaqanka, haweenka, dhalinyarada iyo qeybaha bulshada, diyaariyeen qorshe mid ah, ka garaabid, dhab u heshiisiin, is cafin, uur xaarasho doorashada kadib, olole bogsiin ah, isdhexgalka dhalinyarada iyo xoojinta boogadhayista bulshad

Axmed Macallim Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya oo kalimad ka jeediyay daah furka kulanka halkaan hoose ka dhageyso,

https://rbnnews.net/wp-content/uploads/2022/12/318975109_561101999178465_2724568615284038834_n.mp4

Share.

Leave A Reply