Hamza Abdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay dabaal degga munaasabadda Xuska 10-ka December Ee Maalinta Caalamiga ah Ee Xuquuqul Insaanka Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in shareecada Islaamka iyo xeerarka dalka u yaalla ay meel cad iska taageen xad gudubyada ka dhanka ah dumarka iyo dadka nugul, isagoo ku baaqay in aan qiil loo raadin cid walba oo ku xadgudubta xuquuqul insaanka.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale ka sheegay munaasabadda dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ah ee ka socda gobolada dalka  inuu yahay  dagaalkaasi mid lagu raadinayo xaquuqda aadanaha, maadaama ay kooxdaasi  ka hor istaageen dadka Soomaaliyeed xuquuqdii ay lahaayeen, una diidan yihiin nolosha.

Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka ayaa sanad kasta loo dabaal-degaa 10-ka December, taas oo ku aadden markii Golaha loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, sanadkii 1948-dii.

Share.

Leave A Reply