Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha iyo Wafdiisa ayaa safar dhanka dhulka ah kaga ambabaxay Degmada Aadan yabaal iyaga oo soo maray deegaanada mubaax iyo ceel qooxle oo kamid ah deegaanadii dhowaan laga saaray Alshabaab.Ugu dambeyn waxa ay soo gaareen Magaalada Moqokori  halkaa Oo boqolaal dadweyne  ay kusoo dhoweeyeen bartamaha Magaalada.

Madaxweynaha hirshabelle ayaa uga mahadceliyay sida qiimaha iyo maamuuska leh Ee bushada Reer Moqokori ay ugu soo dhaweeyeen Magaaladooda.

Ugu dambeyn Cali Guudlaawe ayaa xusay in maanta wixii ka dambeeya moqokari ay ka mid tahay degmooyinka Hirshabeelle Wuxuuna faray Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Hirshabeelle inuu si deg deg uu ku soo magacaabo maamulkeeda oo dhameystiran sidoo kalana laga fuliyo mashaariicda ay xaqa u leedahay degmada.

Share.

Leave A Reply