Munaasabad ballaaran Oo lagu dhaarinayay Xubnaha cusub Ee Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug,

Sidoo kalena Casho sharaf loogu sameeyay xubnahaasi ayaa xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug.

Mudane Cali Daahir Ciid Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Oo ka qeybgalay Munaasabadaa ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga in ay la yimaadaan shaqo hufnaan isla markaasne karti ku dheehantahay, kuna gutaan waajibaadka saaran,

Sidoo kale Marti-Sharafta ka qeybgashay Munaasabadda dhaarinta Guddoonka iyo xubnaha Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Galmudug, waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Baaralamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Maxamed Nuur Gacal, Xeer ilaaliyaha Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha Galmudug .

Maalinnimadii Khamiista aheyd Ee 8dii bishaan ayey aheyd kadib markii Cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Golaha Wasiirada Galmudug Xubnaha Guddigaan madaxa banaan ee Doorashooyinka Galmudug.

Share.

Leave A Reply