Cali Ifiye Cali Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluuga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Magaalada Mazara del Vallo ee dalka Talyaaniga kaga qeyb galay shir looga hadlaayay dhaqaalaha buluuga ah iyo sidii hormar joogto ah  looga sameyn lahaa.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saarayay, Joojinta Xaalufinta kheyraadka badda, ka hortagga ka faa’iideysiga sharci darada ah, wasaqeynta Biyaha, Isbedelka Cimilada iyo luminta noolaha badda, iyo Muhiimada ay dalalka afrika ee xeebaha leh ay u leedahay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluuga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Cali Ifiye ayaa shirka ka jeediyay khudbad uu kaga hadlaayay sida ay Xukuumadda Somaliya kaga go’an tahay horumarinta iyo ka faa’iideysiga dhaqaalaha buluuga ah.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb ahaa mas’uuliyiin ka kala socday  dowladaha kala ah Kenya, Uganda, Tunisia, Mauritania iyo dowladda Talyaaniga oo shirka marti gelisay.

Share.

Leave A Reply