Sida uu shaaciyay Guddoomiye ku xigeenka labaad golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Xidlhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulan ay  xildhibaamnada Golaha Shacabka Soomaaliya ku lahaayeen magaalada Muqdisho,

Xidlhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa iska soo xiray kulanka,kadib  markii uu buuxsami waayey kooramka loogu talagalay inuu ku furmo kulanka Baalamaanka Soomaaliya ay kuwada balansanaayeen..

Waxa uu xildhibaan Abshirow sabab uu kaga dhigay baaqashada kulanka inay jiraan daruufo adag oo haysto xildhibaannada,sida baaritaanada la marsiiyo iyo amniga Muqdisho,

Ugu dambeyn waxa uu guddoomiye ku xigeenka labaad golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Xidlhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow ka codsaday xildhibaanada inay soo xaadiraan xilli hore, si looga doodo shuruuucda kala duwan ee u taalo Golaha.

Share.

Leave A Reply