Marshal Birhanu Taliyaha milatariga dalka Itoobiya ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Adis-ababa Ee Caasimadda Dalka Itoobiya wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)

Waxay ka wada hadleen Labada mas’uul arrimaha la dagaalanka Kooxda Alshabaab iyo sida labada dal ay isaga kaashan karaan dagaalka argagixisada gudaha iyo debida intuba.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay dowladda Soomaaliya sidii guud ahaan dalka looga ciribtiri kooxaha argigixisada.

Dhanka kale taliyaha Ciidanka Milatariga Itoobiya ayaa sheegay in dowladiisu marwalba diyaar u tahay inay ku garab siiso ciidanka soomaaliya howlgallada ka dhanka ah kooxaha argigixisada Alshabaab iyo Daacish.

Share.

Leave A Reply