Dr. Ali Haji Adam Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS. ayna wehlinayaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Safiirka Dowlada Taliyaaniga iyo madaxda hay’ada horumarinta iyo taakulaynta u qaabilsan dalka Taliyaaniga ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee qeybta bukaan jiifka caruurta ee Isbitaalka Demartino Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Taliyaaniga qaybtooda taakulaynta ayaa dhexda u xertay dayactirka iyo dhismaha qeybta bukaan jiifka caruurta ee Isbitaalka Demartino halka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay qalabaysay qeebta Caruurta.

Dr. Ali Haji Adam Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa aad ugu mahadceliyay Dowlada Taliyaaniga, gaar ahaan Ciidamada Taliyaaniga iyo Safaarada Taliyaanigaba sida ay u garab taagan yihiin xilli kasta ayna qeyb uga yihiin horu marinta Caafimaadka Soomaaliya.

Wuxuuna sidoo kale wasiirku tilmaamay sida wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kaga go’an tahay xoojinta iyo tayaynta Caafimaadka Dalka si Bulshadeenu u helaan adeeg Caafimaad oo bilaash ah.

Share.

Leave A Reply