Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa maanta furay shirweynaha Arrimaha diinta ee Puntland, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Ee Dowladda Puntland,

Waxaa shirweynaha ka qeybgalaya Culimaa’udiinka iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda ee ku shaqo leh Arrimaha Diinta, Cadaaladda, Garsoorka, Amniga, Caafimaadka iyo Haweenka.

Shirweynahaan ayaa qodobadda looga hadlayo kamid ah Nidaaminta iyo Horumarinta Dugsiyada Quraanka iyo La dagaalanka Maandooriyaha iyo Anshax xumada,

Madaxweyne Deni Oo ka hadlay daah-furka shirka ayaa la wadaagay Bulshada in Shirarkan iyo Kuwa la midka ahba la ballaariyo islmarkaana laga qeybgeliyo Bulshada kala duwan,

Share.

Leave A Reply