Xildhibaan Maalik Cabdalla iyo saraakiil ciidan Uu Hogaaminaayo ayaa gaaray deegaanka Qoryaale ee duleedka magaaladda Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan,

Xildhibaanka oo ka mid ah golaha shacabka BJFS ayaa maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Jalalaqsi,

Waxaana uu waday kulamo kula duwan uu la qaadanayay waxgaradka iyo maamulka degmadaasi si ay doorkooda uga qaataan kacdoonka Ka Socda Gobolka Ee looga Soo Horjeedo Kooxda Al Shabaab.

Maalik Cabdalla ayaa deegaanka Qoryaale ee uu saakay tagay waxaa uu ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ee is garabsanaya ku dhiirigeliyay howlgalka ay sida Wadajir ah u Fulinayaan.

Share.

Leave A Reply