Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan Oo Uu wehlinaayo Xildhibaan Cabdullahi Maxamed cali Sanbaloolshe, Saraakiil ciidaan siyaasiyiin iyo odayaasha Dhanqanka Gobalka Hiiraan ayaa Furimaha hore Ee dagaalka Gobolka hiiraan kula kulmay Ciidamo aad u hubeysan Oo ka tirsan Ciidanka dib u xureynta gobolka

Gudoomiye Cali jeeyte Cismaan ayaa waajibaadkii ugu dambeeyey faray ciidamada Dib u xoreynta oo kaashanayo ciidanka xooga Dalka soomaaliyeed si loo xaqiijiyo Yoolka Nabad-galyada Deegaanada Gobalka Hiiraan oo Meelahii ugu dambeeyey looga saarayo Al-shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane cali jeeyte Cismaan aya balanqaadyo kala duwan u sameeyey Ciidamada Dib u xoreynta, isagoo xusay in qofkii soo dilo afhayeenka Al-shabaab Cali dheere u abaal Marin u heli doono $25,000 kun dollar, (labaatan iyo shan kun oo doolar).

Sidoo kale Qofkii soo dilo sarkaal ka tirsan Al-shabaab uu Heli doono $10,000 kun oo doolar Qofkii Dila dagaalyahan Al-shabaab ahna uu heli Doono Abaal Marin $5,000 oo doolar asigoo ugu baaqay In laga faa’iideysto fursadaasi.

Share.

Leave A Reply