kaddib muddo lix maalmood oo uu u xirnaa hay’adaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya Xoghayaha guud ee ururka u dooda xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliya ee SJS Cabdalla Muumin, ayaa maanta dib U helay Xorriyadiisa,

Cabdalla Axmed Mumin ayaana qaab damiin ah xabsiga looga soo daayay,

Dhamaan Madaxda Ururada Saxaafadda ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin soo deynta Cabdallad Muumin, Iyagoona sheegay iney arki doonaan halka Kiiska Cabdalla Uu u jiheysto kadib markii uu dhammaado Mudada damiinkan oo ah 45Maalmood,

Abdalla Muumin oo lagu xiray garoonka Aadan Cadde xilli uu doonayay inuu garoonka ka dhoofo, ayaa subaxnimadii hore ee saaka lasoo taagay maxkamadda gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, iyadoo dacwad Oogeyaashu ay awoodi waayeen inay caddeeyaan dembiga uu galay, sida ay sheegeen saraakiisha SJS.

Share.

Leave A Reply