Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS Mudane Salah Jama Oo maanta ka qayb galay munaasabadda maalinta cuntada Adduunka iyo maalinta Beeralayda Soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa Sheegay in Xukuumaddu ay si wayn ugu hawlan tahay sidii loo garab istaagi lahaa beeralayda isla markaana looga taageeri lahaa qalabka beeraha iyo fayo dhawrka dalagyada beeraha,

Dhanka Kale Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay in ka badan 8 Milyan oo higtar oo diyaar u ah in wax lagu beero, in badan oo kalena loo diyaar garayn karo in wax lagu beero si dalkeenu uga badbaado cunto yarida Adduunka soo wajahday.

Ugu Dambeyn Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee dhaqaalaha haysta inay maalgashadaan dhulka ballaaran ee u diyaarsan in wax lagu beerto taasoo inoo horseedi karta in aynu ka maaranno cuntooyinka Adduunka ka soo dhoofsano oo hada wadamada qaar yareeyeen in ay dibadda wax u dhoofiyaan si ay dadkooda uga ilaaliyaan cunto yarida Adduunka soo wajahday.
Sidoo kale kullankan Oo ay goobjoog ka ahaayeen qaar kamid ah beeraleyda Soomaaliyeed ayaa madasha ku soo bandhigay wax soo saarka beeraleyda.

Share.

Leave A Reply