Author: rbnnews

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay Amniga Guud ee dalka iyo Dib-u-habeynta Hannaanka iyo Maamulka Dowladnimada casriga ah. Golaha ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixin ku saabsan amniga dalka iyo guulaha laga gaaray xoreynta iyo xasillinta dalka. Golaha ayaa bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyada oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada howlgallo qorshaysan iyo dagaallo guulo laga gaaray oo laga fuliyey qaar kamid ah gobollada dalka. Sidoo kale, Golaha…

Read More

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta dhageysaneysa dacwada loo haysto Afar sargaal oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo ku Eedaysan Musuq maasuq Xatooyo. Afartaan Eedaysane ee la horeyay Maxkamada gobolka ayaa lagu kala magacaaba,Cabdulaahi Maxamuud Osoble, Cumar Macalim Nuur, Saabir Xasan Cabdinuur, Aadan Maxamed Cabdi Oo dhamaan loo haysto xatooyo xoollo dadweyne oo lagu soo Eedeyay Saraakiisha intii ay ka mid ahayen howlwadeenadda hay’adda socdaalka iyo Jinisayada Soomaaliya. Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u  sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in la musuq maasuqo hantida ummadda ee ay dowladda mas’uulka ka tahay. Arinta Ayaa Imanaysa Xili…

Read More

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed General Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday xarunta Gaadiidka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska ee General Kaahiye oo ay ku diyaarsan yihiin cutubyo cusub oo dhawaan kusoo biiraya Ciidanka Boliiska iyo Ciidanka ILaalinta Deegaanka ee Dowladda Hoose Xamar. Ciidankan cusub oo ah dhallinyaro ay da’dooda ka hooseyso 30-sano ayaa ah kuwa wax bartay oo kasoo aflaxay Dugsiga sare iyo Jaamacadaha ayaa dhawaan la filayaa in ay si rasmi ah uga mid noqdaan ciidamada Boliiska iyo kuwa Ilaalinta Deegaanka ee Dowladda Hoose si…

Read More

Xoghayaha arrimaha gudaha dalka Britain ayaa ka digtay in khatarta ka iman karta argagixisadu ay kordhayso, iyada oo soo bandhigtay qorshayaal ay sheegtay inay kaga hortagayso. Qorayayaashaan ayay sheegtay in looga hortagayo weeraro argagaxiso oo dhici karta, kaas oo ay geysan karaan islaamiyiinta ku sugan Gudaha UK, isla markaana muddo 5 sano kadib ay dib u habeyn ku sameeyeen xaaladaha deg deg . hadalkaan ayaa markii ay jeedineeysay Xoghayaha ayaa waxaa Goobta ku sugnaa dad oray uga badbaaday weeraro argagaxiso sida ay sheegtay Warbaahinta dalkaas, waxaana dad badan ay ka falceliyeen hadalkeda. Dalka Ingiriiska oo kamid ah dalalka sida wyen…

Read More

Dowladda Federaalka ayaa sheegatay dilka in ka badan 30 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, kadib hawlgal ay ciidamada xoogga dalku ka fuliyeen deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya goballada Galguduud iyo Shabeelaha dhexe.Taliyaha guutada 18-aad ee kumaandooska Gorgor Bashiir Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay hawlgalkan ay ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen maleeshiyda Al-shabaab. “Hawlgalka oo Ciidanku ay ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen Khawaarijtu ayaa lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijtii halkaas joogtay waxaana Ciidamadu kala wareegeen Hub iyo agab kale oo Ciidan.” ayay qortay warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya. Warbaahinta dowladda…

Read More

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil saaka degmada Xamar Jajab loogu geystay mas’uul ka tirsanaa gobolka Sh.hoose. Sida wararku tilmaamayaan, guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, Marxuum Faqay Cabdulle Mayoow ayey kooxo hubeysan ku dileen nawaaxiga isgoyska Ceelgaabta oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya. Dad goobjoogayaal ah waxa ay sheegeen in marxuumka rasaasta ay ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, isagoo isla goobta ku gereriyooday, meydkiisa ayaa daqiiqado badan yaalay halka dilka uu ka dhacay. Mid kamida qoyskiisa oo warbaahinta gudaha la hadlay waxa uu dowladda ka codsaday iney cadaalad horkeento kooxihii ka…

Read More

Yuusuf Xassan Ibraahim oo 42 sano Jir ah ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshiyaha Ururka Alshabaab, waxa uu qaabilsanaa qaybta dilalka qorshaysan fulisa. Ciidanka amaanka ayaa ka soo xiray deeganka Ceelasha biyaha 19- bishii Janaayo ee Sanadkan. Yuusuf ayaa Argagixisada fikirkeeda ka qaatay Saaxibkiis oo ay wada deganaayeen Ceelasha. Xog ka bixinta Gaadiidka u gudbaya Gobolka Shabeelaha Hoose iyo kan kasoo galaya ayuu Kooxda u qaabilsanaa dabinadii uu maleegay ayuuna ku sheegay Basaasida Sadax iyo Toban Gaadiidka Gaashaaman oo ay lee yihiin Ciidamada Midowga Africa ee ATMIS oo Jidkaas lagu weeraray waxaana mushaar ahaan loo siin jiray 130 dolar.…

Read More

Baargaal:-Taliye ku-xigeenka 1aad Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Caydiid Axmed Nuur qaar kamida golaha wasiirada Puntland.Taliyaha qaybta gobolka Gardafuu G/sare Fu’aad Maxamuud Xuseen,gudoomiya gobolka Gardafuu iyo masuuliyiin kale ayaa siwada jir ah loogu soodhaweeyay Degmada Baargaal. Wafdiga ayaa kormeeray Xarunta saldhiaga iyada oo uu haalkaasuu ku soodhaweeyay taliyaha Saldhiga iyo saraakiil waxa uuna warbinta xaaladda amni ee degmada laqadaagay masuuliyiinta. Taliye ku-xigeenka 1aad Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa umahad celiyay saraakiisha amniga degmada shaqada adag ay bulshada u ahayaan isaga oo balqnqaaday in ay dabooli doonaan baahi kasta oo amni ee gobolka kajirto.

Read More