Author: rbnnews

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika oo ay marti-gelisay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni. Shirkan oo ay ku kulmeen dalalka Soomaaliya, Talyaaniga, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa lagaga arrinsanayey Amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mudnaan siinayso sidii ay iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah ugu heli lahayd wajiga labaad ee howl-galka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Read More

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Somaliland iyo Xoogagga SSC oo bilihii la soo dhaafay ku dagaalamayay duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ay keeneen Ciidamo aad u farabadan iyo Gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan, kuwaas oo ka kala yimid dhnacyada degaannada Puntland iyo Somaliland. Ciidamadaan oo lagu soo dhaweeyay Goobaha ay isku hor-fadhiyaan labada Ciidan ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen Gobolada So, Bari oo xoogagga SSC ay Ciidamo farabadan oo qaarkood hab beeleed u abaabulan uga yimaadeen iyo Somaliland oo ka keentay degaano katirsan Gobolka Sool. Goobjoogayaal ku sugan duleedka Magalada Laas-Caanood ayaa Warbaahinta u sheegay in…

Read More

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa isbedel dhanka Ciidanka ah waxaa ay ku sameeysay Saraakiisha kala duwan ee Guutooyinka Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgalla dalka, kuwaas oo qaarkood dhawaan lagu soo tababaray dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya. Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow ayaa taliyeyaal cusub u Magacaabay Guutooyinka 25 iyo 26-ka, iyadoo loo magacaabay saraakiishii hogaaminaysay ciidamadii Badbaado Qaran ee ka hortegay muddo kororsigii dowladdii Farmaajo. Taliyaha Guutada 25-aad oo dhawaan dowladda Soomaaliya u bixisay magaca Cumar Binu Khadaab ayaa waxaa loo Magacaabay Korneyl Mukhtaar Xasan Tifoow oo lagu Naaneeso Shaah-Macabe oo muddo…

Read More

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow iyo qaaar kamid ah xildhibaanada labada gole ee BJFS ayaa booqday isbitaalka xooga dalka soomaliyeed halkaasi oo lagu dabiibayay askartii ku dhaawacantay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday ciidanka14ka octoobar ee ku sugnaa kulliyadda jaalla siyaad ee magaalada muqdisho. Guddoomiye Abshiroow ayaa mid mid u booqday qolalka ay ku jireen dhaawacyada ciidanka isagoo ka xog wareesanayay dhaqaatiirta xaaladda caafimaad ee askarta ay wax yeeldu kasoo gaartay qaraxii ismiidaaminta ahaa.Waxa uuna alle u weydiiyay inuu caafimaad taam ah siiyo Ciidankii ku geeriyoodayna uu janadiisa ku irsaaqo Intaas…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay shirka Qaramada Midoobey ee la dagaallanka cunto-yarida iyo ka hortagga macaluusha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalka ay curyaamisay abaaraha soo laalaabtay. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee dhanka beeraha ee ay hodonka ku tahay Soomaaliya, taas oo haddii la maal-geliyo u noqonaysa dalalka Gobolka iyo guud ahaan qaaradda dammaanad-cunto oo la isku halleyn karo, maadaama dalagyada ka baxa Soomaaaliya ay ka kooban yihiin dhammaan baahiyaha nololeed ee dadka iyo calafka xoolaha. “Soomaaliya abaarihii soo laalaabtay sanadihii la soo dhaafay waxay galaafteen nolasha kumannaan…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa dalka ka ambaxay, asagoo ku sii jeeda dalka Tanzania oo uu uga qaybgalayo shir madaxeed muhiim ah. Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa oo ay ku jiraan wasiirro ka tirsan Xukuumadda ayaa ka qaybgalaya Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika oo ka dhacaya magaalada Daarusalaam inta u dhexeysa 24-26 July 2023. Shirkan oo looga hadlayo ahmiyadda ay qaaradda Afrika u leedahay taabbagelinta awoodda dadweynaha, si ay uga qaybqaataan horumarka qaaraddu hiigsaneyso ayaa mudnaan gaar ah oo ku aadden horumarinta bulshada u leh Xukuumadda Dan Qaran,…

Read More

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 10-aad ee Baarlamaanka 11-aad JFS. Kulanka oo Ajandihiisu ahaa akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka hantidhowrka guud ee Qaranka, Qeybinta Hindise Sharciyeedka sharciga hubka ee Soomaaliya, Heshiiska aasaasida Ciidamada heeganka ah Bariga Afrika. Xildhibaannada golaha shacabka ayaa dood ka yeeshay Hindise Sharciyeedka hantidhowrka guud ee Qaranka, iyadoo su’aalo laga weeydiiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iiman Cige, waxaana uu mid mid u dul istaagay dhammaan su’aalihii ay Xildhibaanadu weeydiiyeen. Ugu danbeyn Gudoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka…

Read More

Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa la horkeenay Saddex mas’uul oo katirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, kuwaas oo loo heysto inay sameeyeen musuq maasuq iyo xatooyo Xoolo Dadweyne. Saddexda Xubnood oo katirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ayaa kasoo muuqday Maxkamadda, kuwaas oo kala ah Cabduqaadir Cabdi Socdaal oo ka tirsan Bankiga Dhaxe kana Shaqeeya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, Abuukar Maxamed Cali maamulahii xafiiska Canshuuraha Bariga wasaaradda maaliyadda ee garoonka Aadan Cadde iyo Maxamed Aadan Cabdullaahi Maamulahii Bankiga Dhaxe laanta garoonka Aadan Cadde Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ( Dabaan ) oo soo bandhigay Eedaha…

Read More

Waxaa sii kordhaya tirade askarta ku geeriyootay qarax Ismiidamin ahaa oo aroortii hore ee saaka ka dhacay gudaha xerada Kuliyada Jaale Siyaad eek u taala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Wararka la helayo waxey sheegayaan in qaraxan oo uu fuliyay ruux watay jaakad ay ka buuxaan walxaha qarxa uu beegsaday ciidankan xili ay ku jireen safaf dhaadheer oo lagu tirakoobayay, iyagoo Muqdisho usoo gaaray sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa. Saraakiil ciidan ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dhimashada ay ka badan tahay 25 askari, halka dhaawaca uu ku dhow yahay 60 ruux, iyadoo Ismiidaamiyaha la sheegay inuu kamid…

Read More

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar, ayaa laga hor istaagay inay u duusho magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa, in diyaarad lagu waday inay Muqdisho ka soo qaaddo Sacdiyo lagu amray inaysan soo qaadin guddoomiye ku xigeenka aqalka iyo wefdi la socday oo ay isugu jiraan wasiiro, xildhibaano, iyo madax dhaqameedyo. Sacdiya ayaa lagu waday inay ka qeyb gasho caleema saarka Suldaan Bashiir Suldaan Carab, oo ah suldaanka beesheeda, kaas oo lagu wado in beri xafladdiisa caleema saarka ay ka dhacdo magaalada Garowe. Sanadkii hore ayay…

Read More