Author: rbnnews

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Hay’adda Qaxootiga Q.M. ee UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Maxamed Cabdi Affey. Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Danjire Affey ayaa ka wada hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool dalka, iyo sidii daruufahooda nololeed loo hagaajin lahaa. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey iskaashiga ka dhexeeya dowladda iyo hay’adda UNHCR ee ku aadden daryeelka qaxootiga iyo barakacayaasha, gaar ahaan taageerada dhanka ilaalinta iyo nooliga ah. Danjire Affey ayaa dhankiisa dowladda Soomaaliya ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto…

Read More

Muqdisho, 30 Luuliyo, 2023: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta Degmada Heliwaa kaga qayb kulan lagu xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha nabad galayada iyo maamulka Gobalka Banaadir. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in amniga Caasimada Muqdisho ahmiyad gaara siisay Xumuumadda #DanQaran taasina ay makhraati ka tahay in maanta degmada Heliwaa lagu qabto kulanka wacyi galinta iyo wada shaqaynta bulshada oo muddo kor hor aanay suuro gal ahayn. Mudane Xamsa ayaa sheegay in wada shaqaynta hay’adaha Amniga iyo dadwaynaha caasimadu wax weyn ka beddeshay amniga caasimadda, isla markaana hadda degmo kasta si nabad galyo ah lagu tagi…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT) oo uu ka dhageystay warbixin ku saabsan miro-dhalka qorshaha qaran ee curyaaminta awoodda dhaqaale ee argagixisada Alshabaab. Guddigan Qaran ayaa soo bandhigay baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada, waxa ayna sheegeen in la daciifiyey awooddii khawaarijtu ay u lahaayeen urursiga baadda iyo boobka ay ku hayeen ganacsatada Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah ciribtirka iyo dabargoynta arxanlaaweyaashan ku naaxay dhiigga dadkeenna. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab uu leeyahay saddex…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mudane Brian Nelson ayaa soo bandhigay tallaabooyina dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha argagixisada Alshabaab. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeerarka iyo shuruucda loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen argagixisadu ay soo dedejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay Kuxigeenka Xoghayaha Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Brian Nelson…

Read More

Muqdisho, 27 Luulyo, 2023–Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud Sh. Cali ayaa looga hadley xaaladda amniga dalka, Isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka. Golaha Wasiirada ayaa dhegestey warbixino ku saabsan guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro Khawaarijta . Golaha ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkii fuleynimada ahaa ee Khawaarijta ay ku beegsadeen Kuliyadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Waxaa uu Golaha tacsi u diray umadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo…

Read More

Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka Mudane Timur Igorevich Maksimov la saxiixday heshiis ay Dawladda Ruushku kaga dhaaftay lacag dhan $684 million. Heshiiskan oo ka dhacay magaalada Saint Petersburg oo uu berri ka furmayo Shirwaynaha Afrika iyo Ruushka, ayaa lafdhabar u ah dhammaystirka geediga dayn cafiska Dalka. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalaya shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika.

Read More

In ka badan 60 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidamada Militariga dowladda Federaalka iyo kuwa maamulkaKoofur galbeed oo ka dhacay deegaanka Ceel-dhuun Agoow ee gobolka Baay. Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya howlgalka ayaa waxay sheegtay inay howlgalkan iska kaashanayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada qorsheysan ee dhawaan ka billowday deegaannada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kuwaasi oo lagu doonayo in lagu cirib tiro Al-Shabaab, isla markaana lagu soo celiyo nabadda iyo ammaanka deegaanada maamulkaasi. Dhinaca kale’ Taliska Qaybta 60aad Ciidanka Xooga dalka ayaa sheegay in duqayn lala…

Read More