Author: rbnnews

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-gorow ee digniinaha la xiriira roobabka iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu kormeerka ku jirey wuxuu warbixinno ka dhegeystey qaar ka mid ah madaxada iyo khuburada hey’adda SODMA, isagoo ku boorriyey in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta musiibooyinka, si looga hortago dhibaato xooggan oo dadkeenna ka soo gaari karta roobabka iyo fatahaadaha ku soo foolle. “Waxaa jira khatar ku aadden fatahaado ka dhalan kara roobab la rajeynayno in ay ka…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusa’Mareeb ee Caasimada Dowladda Galmudug. Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirka Difaaca Dalka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Magaalada Dhuusa’Mareeb.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi, iyagoo ka wada hadlay xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii joogteyn lahaa. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Dowladda Imaaraadka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadamnimada. Danjire Al Rumaithi ayaa mahadcelin ka dib, wuxuu Xukuumadda Danqaran ku bogaadiyey horumarrada ay ka sameysay dhinacyada sugidda amniga iyo dowlad wanaagga, wuxuuna adkeeyey sida ay Imaaraadka uga go’an tahay sii joogteynta taageerada…

Read More

Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan waaxda miinada,Ciidanka saldhiga Dekadda Boosaaso iyo PMPF ayaa tababar loogu soo xiray Dalka Kenya halkaas oo Saraakiil ka socday Hay’adda Booliska aduunka (Intelpol) ku siiyeen sida looga hortago Waxyaabaha qarxa. Tababrka oo soconayay lix maalin ayaa Saraakiisha iyo Saraakiil xigeenada markii uu u soo gabgaboobay waxaa lagudoon siisay qalab loogu talagalay ka hortaga khataraha xiliyada Howlgalada lagu jiro. Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Booliska DPL G/Sare Axmed Cabdi Sugulle oo hormuud u ahaa Ciidankan Tababarka qaadanayay ayaa uga mahadceliyay Hay’dda (Intelpol) sida waanaagsan ay casharo kala duwan usiisay isagoo guul urajeeyay.

Read More

Dhuusamarreeb, 24-09-2023; Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo howlo shaqo ugu maqnaa caasimadd dalka oo galabta kusoo laabtay caasimadda Dhuusamarreeb ayaa booqday gurigii uu ka baxay Mujaahid Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud oo ahaa halyeey geesi ah oo kahor tagay naftii hallige doonayay inuu isku qarxiyo Madaxweynaha iyo wafdi la socday deegaanka laasgacaneey. Madaxweynaha ayaa labada waalid ee dhalay mujaahid Axmed Fiiqane uga mahadceliyay geesinninamada ay ku barbaariyeen wiilkooda, isagoo Eebbe uga baryay inuu ku irsaaqo naxariistiisa. Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir ciid iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Nuur Gacal.

Read More

Burka-diirimeed: 19, Sabteembar, 2023: Madaxweynaha Dowladda Hishabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta gaaray deegaanka burka diirimeed ayaa halkaas kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Imaan Daahir Imaam Maxamuud oo ay ka wadahadleen dardargalinta wajiga 2aad ee shirka dib u heshiisiinta iyo dhameystirka Gogosha Nabadeynta ee taala deegaanka Burka Diirmeed. Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Hirshabeelle ay ka go’an tahay xoojinta iyo ka guul gaarista arrimaha nabadeynta si bulshadu ay nabad ugu wada-noolaato.

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta oo ah (Isniin 18, September 2023) gaaray deegaanada Nuur-dugle iyo Caddaan Laxey ee Gobolka Shabeelada dhexe, si uu udar-dargeliyo Howlgalka sifeynta Khawaarijta ee ka socda Bariga Gobolka Shabeelaha Dhexe. Duqa Muqdisho ayaa sii maray deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, oo uu ku dhiirageliyay Ciidamada Qaranka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ee kaalinta ka qaatay in Khawaarijta lagu jibiyo Gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale waxa uu booqday furimaha ay Gobolka Sh/dhexe kaga sugan yihiin Ciidamo ay hogaaminayaan Guddoomiyeyaal ka tirsan Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka…

Read More

Muqdisho, Sebteember 19; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa darajada Gaashaanle Sare u dalacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, waxa uuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa u rajeeyay Taliyayaasha cusub in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan…

Read More

Bayaan ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa lagu faah faahiyey sababta dadka looga saarayo Dhulka (Kaasa Italia ) oo ah dhul ay leedahay safaaradda dowladda Talyaaniga. Warka Maamulka ka soo baxay ayaa lagu yiri” Burburinta dhismaha Xarunta Kaasa Italia waxay ku timid codsi nooga yimid dowladda Talyaaniga oo dalbatay in dhulkeeda loo banneeyo oo ay u baahan tahay, waxaana bulshada loo sheegayaa inaanu jirin ganacsade ama dowlad Soomaaliyeed oo dhulkaas isticmaali doonta”. Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu digtay dadka deggen xarumaha dowladda oo ay ka mid yihiin dhulalka safaardaha waddamada shisheeye…

Read More