Author: rbnnews

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali Doosishe, Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo xibno kale ayaa ka qeybgalay kulan Wacyigelin Bulsho oo lagu qabtay Degmada Xamar Jajab. kaasi oo ay isugu yimaadeen, Odayaasha, Haweenka, Dhallinyarada iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada. Kulanka ayaa looga hadlay sidii looga qeyb qaadan lahaa xoojinta Nabadgelyada iyo horumarka Caasimadda.

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Talyaaniga, iyagoo halkaas uu kaga qeyb-gali doona shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol ah oo ka dhacaya magaalada Roma ee dalka Talyaaniga. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgali doono madasha geeska Afrika iyo Talyaaniga iyo sidoo kale shirka caalamiga ee la dagaallanka cunno yarida iyo macluusha oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  ka qeybgalaya shir saddex geesood ah oo ay yeelan doonaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga, isagoo sidoo kale kulammo doceedyo ah la…

Read More

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan ” Waddamada soo koraya iyo sharciga caalamiga ah”. Munaasabadan oo ay si wada jir ah u soo qaban-qaabiyeen Ururka Shuruucda Caalamiga ah ee Shiinaha, Akademiyada Sharciga Caalamiga ah ee Aasiya iyo Machadka Sharciga Caalamiga ah ee Jaamacadda Wuhan ayaa lagu xusay xafladda furitaanka kalfadhiga lixaad ee “Hay’adda Wada-tashiga Sharciga Caalamiga ah ee Shiinaha, Aasiya iyo Afrika ee Mashruuca Cilmi-isweydaarsiga Sharciga Caalamiga ah.” Madasha daah-furka aqoon-isweydaarsigan ayaa waxaa isugu yimid mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, wakiilo…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu dhaarinayey Xubnaha Cusub Gollaha Wasiiradda Dowladda Koonfur Galbeed. Ku-Simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Wasiiro, Xildhibaano iyo Marti sharaf kale ayaa Goobjoog ahaa Munaasabada Dhaarinta Xubaha Cusub Gollaha Wasiirada. Madaxwenaha Dawlad Gobaleedka Konfur Galbeed Somalia Ayaa Isbadal Kusameeyay Golaha Wasiirada Konfur Galbeed. Isbadalka Wasiirada Iyo Dharintoda Ayaa imanaysa Xili Madaxweyne Laftagereen Uu Maamulkiisa Sameystay Mudo Kordhin Labosana ah. https://youtu.be/NGlZoKHUjAs RBN NEWS

Read More

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa markii u horeysah ka hadlay wararka la xiriira inuu jiro xiriir wada shaqeyneyd oo dowladda Soomaaliya ah la leedahay wadanka Iiraan. Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo ka jawaabayay su’aalo ay shaqada wasaaradiisa ka weydiinayeen guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka ayaa beeniyay iney wax xiriir ah la leeyihiin dowladda Iiraan. “Ma jiraan diblumaasiyiin noogu qoran safaaradda Iran, kuwii noogu qornaa waan kasoo raranay. Haddiise ay jiraan shakhsiyaad iskood u tagay, waa wax gaar ah. Mana ahan wax ku sallaysan siyaasada wasaaradda” ayuu jawaab celinta ku yiri wasiirka arrimaha dibadda. Wasiir Haruuse ayaa dhinaca kale beeniyay inuu…

Read More

Muqdisho, 23 Luuliyo, 2023–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf iyo xog-wareysi isugu jira hoygiisa kula yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaannada warbixin ka siiyey heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasilloonida Puntland, islamarkaana khilaafka jira wada-hadal loogu dhammeyn lahaa. Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay xaaladda Gobolka Sool iyo xal u helidda colaaddaha ka jira gobolkaasi. Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay ka shaqeeyan nabadda iyo xasilloonida dalka, si loo xaqiijiyo horumarka la…

Read More

Taliyaha Laanta nabad galyada wadooyinka DPL G/sare C/Fataax Siciid Sulaymaan korneyl (African) ayaa xilkii u kala wareejiyey Taliyihii Horre Laanta Ciidanka Wadooyinka Gobolka Sanaag Dhame Siciid Xasan (Dhabayaco) iyo Taliyaha Cusub ee laanta nabad nabad galyada Wadooyinka Gobolka Sanaag L/xidigale Maxamuud Cali maxamed. Munaasibada Xilwareejinta Masuuliyiintan waxaa Goob Joog ahaa Gudoomiyaha Gobolka Sanaag , Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Sanaag iyo Masuuliyiin kale.G/sare C/Fataax Siciid Sulaymaan korneyl (African) ayaa umahad celiyay Taliyihii hore shaqada wanaagsanayd oo uu soo qabtay isagoo alle uga baryay in uu xilkan ufududeeyo Taliyaha Cusub, Taliyaha ayaa bulshada gobolka Sanaag kacodsaday in ciidanka lashaqeeyaan una hogaan samaan…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 2-aad ee wadajirka ah oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee xeerka qoondaha ku noqoshada miisaaniyada 2023-ka.Kulanka ayaa waxaa goobjoog Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacade. Waxaa fadhiga Golaha looga hadlay akhrinta koowaad ee xeerka qoondaha ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka, waxaana xildhibaannadu ay su’aalo weeydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iiman Cige.Wasiirka Wasaaradda…

Read More

Heshiis xabad joojin ah ayaa lagu guuleystey in la kala dhex dhigo labo beel oo walaalo ah oo maleeshiyo beeleedyo ka soo kala jeeda ay u dagaalameen deegaano ka tirsan Gobolka Sh/dhexe.Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed,Maamulka Hirshabelle iyo Duubabka Dhaqanka ayaa ku guuleystey inay heshiis xabad joojin ah ay gaareen beelaha Maxamed Muuse iyo Cabdalle Caroone oo maalmihii la soo dhaafay maleeshiyo ka soo kala jeeda ay u dagaalamayeen deegaano ka tirsan Gobolka Sh/dhexe. Mas’uuliyiintan bilowday dhexdhexaadinta labada beel ayaa booqday degmada Cadale,Raagge Ceelle iyo Deegaanka Xaaji Cali iyagoo la kulmay oday dhaqameedyada iyo waxgaradka deegaanka waxayna…

Read More