Author: rbnnews

Mayla July 16, 2023: Ciidanka Booliska Puntland ayaa la wareegay eedaysane Cabdiftaax Cali Warsame (Buur-madow) oo ku eedaysan inuu geystay fal dil ah kaas oo ka dhacay deegaanka Mayle oo ka tirsan Gobalka Mudug. Ninka lagu eedayay filka dilka oo lagu magacaabo Cabdifataax Cali Warsame ( Buur-madow) ayaa markii uu falka gaystay dib u baxsadey dhanka Dawlad Deegaanka Soomaalida . Iskaashi balaaran oo ay sameeyeen Ciidanka Booliska Puntland iyo Ciidanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaa u suurta gashay in la gacanta lagu soo dhigo, iyada oo ay la wareegeen Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Taliska Qeybta Gobolka Mudug.

Read More

Madaxwayne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo wasiirka Waxbarashada XFS mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka furay shirka wadatashiga Arrimaha Waxbarashada Soomaaliya . Shirka ayaa looga arrinsanayaa xaaladda waxbarashada dalka, qorshaha mustaqbalka waxbarashada, daadajinta adeegyada wasaaradda iyo wadashaqaynta wasaaradaha waxbarashada heer Federaal iyo heer dowlad Gobolleed. Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Wasiirrada Waxbarashada Maamul goboleedyada, Agaaasime-yaasha Guud, Agaasime waaxeedyada wasaaradaha waxbarashada iyo howl wadeennada waxbarashada qeybahooda kala duwan.

Read More

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow. Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan, taasoo ay kamid yihiin Taliyaha Guutada 60aad Ilaalada Madaxtooyadda Qaranka. Dawlada Somalia Ayaan Wali Cadaynin Sababta Xilka Qadista Taliyihii Hore Ee Cidanka Xoga Dalka Odawa yusuf Raage

Read More

Kulan Ay Albaabada Uxiranyihiin Ayaa Magalada Baladweyne Odayasha dhaqanka Kulaqatay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeele Yusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Gudomiyaha Doran Ee Gobalka Hiraan Cabdulaahi Axmed Maalin Sufurow Kulankan Waxa Dibad Joog ka Ah Saxafada Ka Howlgasha Gobalka Hiraan Balse Waxa Lafilaya Sacadaha Soo Adan Inuu Shirjara id Qabto Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabele Ka Uu Kutageri Doono Xilka Qadista Lagusameeyay Cali jeyte Cusmaan

Read More

Maamulka Gobolka Banaandir ayaa kulan sagootin ah xalay u sameeyay wafdiga uu hogaaminayo Duqa Magaalada Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullahi Aden Cadaani, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay howla shaqo u joogay Magaalada Muqdisho. Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka, taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Nabad Sugida iyo Boliiska, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo aggaasimahaal. Duqa Magaaladda Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullahi Aden Cadaani oo kulankan ka hadlay ayaa ku bogaadiyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo bulshada Caasimadda…

Read More

Ciidanka ammaanka gobolka Banaadir ayaa howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ayaa waxay ku soo qabteen rag ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya . Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay Ciidanku ku baarayeen goobo lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya, iyagoo gacanka ku soo dhigay jirigaamo ay ku jiraan qamriga macmalka ah ee calaqa, xashiish iyo shan qof oo ka ganacsanayay. Taliyaha qeybta Waliyow Cadde ee Booliska gobolka Banaadir, G/le, Daa’uud Axmed Carraale ayaa boqolaal dhallinyaro  ah oo howlgalka lagu soo qabtay faray sheegay in da’yartu la shaqayso laamaha ammaanka oo ay sheegaan waxa dhibka ku haya bulshada.…

Read More

Waxaa goordhaw gaaray magaalada beydhabo ee xarunta kumeel gaarka maamulka koonfur/galbeed Soomaaliya Wafdi ballaaran oo ay hogaamineyso wasiiradda haweenka iyo arimaha qoyska dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiye. Wafdiga Wasiirad khadiija waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa wasiirada wasaaradaha haweenka ee dowlad goboleedyada dalka. Garoonka diyaaradaha ee magaalada beydhabo waxaa wafdiga ku soo dhaweeyay Waxaana wasiirka wasaarada haweenka Dowlada KGS iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxtooyada DGKGS ayaana hab maamuus wanaagsan ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha. Ujeedada socdaalka mas’uuliyiinta ee magaalada baydhabo ayaa lagu sheegey iney tahay sidii ay kaga qeyb gali lahaayeen xuska munaasabada…

Read More

Mudane Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda Dowladda Hirshabeelle. Ugu horeyn waxaa Shirka Golaha Xukuumada lagu dhaariyay xubno kamid ah golaha Wasiirarda iyadoo kulankaan looga hadlay howlgallada kooxda alshabaab looga xureyay deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle iyo sidii sida ugu dhaqsiyaha badan maamulo loogu dhisi lahaa deegaannada shabaabka laga saaray, Madaxweynaha Cali Guudlaawe Xuseen ayaa golaha uga waramay howlagalada socda ee lala galay alshabaab iyo safaradii uu ku tagay dhamaan deegaanadii ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.wuxuuna faray madaxweynuhu Wasaaradaha Dowladda in deegaanada la xureeyay la gaarsiiyo adeegyada aas aasiga…

Read More

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka banaadir ayaa saaki kormeer ku sameeyay wadooyinka magaalada muqdisho kaas oo ay ugu kuur galayaan bilicda iyo nadaafadda wadooyinka caasimadda. Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale iyo Xog’hayaha guud ee Gobolka Feysal Carraale Afrax ayaana kormeer ku tagay degmooyinka Kaaraan. Yaaqshiid. Hodan.Howlwadaag. Wadajir. iyo Dharkeynley. Agaasimaha Guud ee Nadaafada Iyo Bilic Soo celinta ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Suudi ayaa sheegay in Dowladda Hoose ee Xamar ay xoojin doonto howlaha kor loogu qaadayo Bilicda Magaalada. Guddoomiye ku-xigeenka…

Read More