Author: rbnnews

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf Safiirka Jamhuuriyada aan Wallaalaha nahay ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Waxay kawada hadleen Labada Mas’uul sidii Dowladda Jabuuti ay kaalin uga qaadan laheyd mashaariicda lagu horumarinayo bilicda Caasimadda Soomaaliya Ee Moqdisho, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Sheikh Yuusuf Madaale ayaa ugu dambeyntii ugu mahadceliyay Dowllada Jamhuuriyada Jabuuti iyo Shacabkeeda sida hagar la’aanta ah oo ay qeybta kaga yihiin dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Read More

Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta dowlad gobolleedka Puntland ayaa wareegto uu soo saaray shaqo-joojin ugu sameeyay Mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda. Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in shaqada looga joojiyay Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorsheynta Sharma’arke Xasan Cali. si baaritaan loogu sameeyo. Shaqo ka joojinta Agaasimaha ayaa lagu saleynayaa inay soo galeen tuhuno la xariira ku takrifal maaliyadeed. Waxaana Wareegtada lagu xusay in la hakiyay dhammaan kootooyinkii Wasaaraddu ku lahayd Bangiyada inta uu socdo baaritaanka. Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Puntland ayaa isna sidoo kale lagu wargeliyay in baaritaan maaliyadeed uu ku sameeyo Wasaaradda Qorshaynta.

Read More

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Kooxo bastoolado ku hubeysan oo xalay degmada Afgooye ku dillay wiil dhallinyaro ah. Maxamed Xaaji Xasan, Waxa uu ahaa guddoomiyihii dhallinyarada degmada Afgooye xilli uu ku sugnaa waaxda Xaawo-waako ee Afgooye oo uu Guddoomiye Waaxeed ka ahaa ayaa waxaa qeybaha sare ee jirka rasaas kaga dhuftay koox bastoolado ku hubeysnaa kuwaas oo goobta ka baxsaday. Maamulka Degmada Afgooye ayaa xaqiijiyay dilka AUN Maxamed Xaaji Xasan waxeyna sheegeyn in howlgallo lagu baadigoobayo raggii ka dambeeyay dilkaasi ay ka socdaan xaafadaha kala duwan ee degmada Afgooye. Dhanka kale Cabdullaahi Maxamed Cismaan oo ah guddoomiyaha degmada…

Read More

Ismaaciil Yuusuf Cusmaan Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare iyo Hiddaha ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Oo ka warbixinayay Xuska maalinta Afka Carabiga Oo ku beegan Maanta ayaa hambalyo u diray jaamacadda carabta iyo guud ahaan dalalka carabta. wuxuuna yiri’“Waxaan u hambalyeynayaa dalalka Carabta, gaar ahaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xubin ka ah Jaamacadda Carabta. Dawladaha Carabta Xafladdan, waxaanu leenahay afka Carabiga ayaa hormuud ka ahaa Soomaaliya, welina waa hormuudka, waayo innaga ka hor inta aan afka Laatiinka lagu qorin afka Soomaaliga, xarfaha badankooda waxa lagu isticmaali jiray afka Carabiga, si la mid ah afka Carabiga. horumaray, waxaadna…

Read More

Xilli uu ku howlanaa inuu muuqaalo ka duubo suuqyada magaalada Hargeysa ayey gacanta ku dhigeen ciidamada booliiska somaliland Ninkan u dhashay Canada ee ah youtuberka. Muuqaalo baraha bulshada lagu baahiyay, ayaa lagu daawanayay ninkan Canadiyaanka ah oo ciidamo boolis ahi baabuur saarayaan. Youtuberkaan lagu xeray magaalada Hargeysa ayaa dhawaan intaanu gaarin magaaladaas safar uu ku joogay muqdisho ku baahiyay muuqaalo bahdilaad iyo meel ka dhac ku ah lacagta shillinka Soomaaliga. isagoona inta uu lacag ka soo sariftay sariflayaasha magaalada Muqdisho kadib uu ku sheegay in lacagta shillin Soomaaligu tahay mid aan qiimo lahayn. Intaas waxaa sii dheer inuu bartiisa youtubka…

Read More

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda soomaaliya ayaa looga hadlay howlgal ciidamada dowladda iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay ku dileen horjooge ka tirsanaa Alshabaab.Horjoogahaan ay sheegtay dowladda soomaaliya inay beegsadeen ayaa magaciisa lagu sheegay Yuusuf Maxamad Jingaab. (Wasiir) kaas oo lagu beegsaday deegaanka juxay isaga iyo 87 kale oo xubnood 15kii bishaan.

Read More

Dalka shiinaha oo ah halkii uu ka soo bilawday cudurka Covid19 Ee aduunweynaha wada gilgilay ayaa la sheegayaa mar kale inuu faafitaan horleh uu ka sameynayo gudaha wadankaasi,. Magaalada ugu weyn Shiinaha, ee Shanghai, ayaa la amray in iskuulada badankood ay fasalada ku qaataan qaab online ah sababo ku aadan kororka kiisaska Covid 19, Waxaa sidoo kale albaabada la isku dhuftay xarumaha xannaanada carruurta. tobankii maalmood ee ugu dambeysay ayaa dib loo soo celiyay Xayiraadaha la soo rogayay ee covid19 kadib markii horay loo fududeeyay, iyadoo mas’uuliyiinta Shiinaha ay u muuqdaan inay ka guurayaan istiraatiijiyadooda Covidka. waxaa jira walaac laga…

Read More

Kullan u dhaxeeyay guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo taliyaasha Ciidamada amniga gobolka ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa Kulanka qeyb ka ahaa taliyaha qeybta guud ee Boliiska gobolka iyo taliyaha Nabad sugidda gobolka. Guudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Ee gobolka banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay taliyayaasha isagoona ku bogaadiyay sare u qaadiddaa amniga caasimadda.

Read More

Gabdho da’dooda ay ka yartahay 10sano islamarkaana wax ka baranayay Dugsi qur’aan ayaa la sheegayaa in macalinkoodii uu kula kacay fal kufsi ah. Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaana maanta gacanta ku soo dhigay islamarkaana xabsi dhigay macalinkaasi. Gabdhaha uu macalinka dugsiga kufsiga kula kacay ayaa tiradooda lagu sheegay saddex gabdhood kuwaas da’dooda ay ka yar tahay 10-sanno jir. Jeneraal Zakiya Xuseen Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliya ayaa qoraal ay ku soo qortay ku sheegtay in macalinka uu ku xiran yahay saldhiga booliiska magaalada Dhuusamareeb. Waxeyna qoraalkeeda ku tiri “Taliska Boliiska Galmudug gaar ahaan saldhiga degmada Dhusamareeb ayaa ku guuleystay soo…

Read More

Kulan ay ku yeesheen magaalada beydhabo Ee Xarunta gobolka Bay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur/galbeed Cabdicasiis Laftagareen loogana hadlayay sidii meel la isugu keeni lahaa madaxweyne laftagareen iyo siyaasiyiinka ka soo jeeda koonfur/galbeed ee dhaliilsan madaxweynaha. Sh Aadan Madoobe iyo Laftagareen ayaa isku afgartay 6 qodob, Oo kala ah;1- In dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida. 2- In…

Read More