Author: Asad Shadhuuke

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka iyo daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa galabta laga dejiyey degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, Ciidamadaan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay halkaasi ka bilaabaan dagaalka ka dhanka kooxda Alshabaab Ee ka socda qeybo badan Oo kamid ah Gobollada dalka. Horay Madaxweynaha Koonfur/Galbeed ayaa kaga dhawaaqay Howlgal ka dhan ah Alshabaab isaga Oo sheegay in AS culeys weyn ay ku hayaan reer Koonfur/Galbeed lagana doonayo iney iska dulqaadaan

Read More

Mudane Xamse Cabdi Barre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta kullan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somaalida, Mudane Mustafa Maxamuud Cumar, kaasi oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Deegaanka Soomaalida. Madaxweyne Mustafa ayaa warbixin guud ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa xaaladda deegaanka iyo mashaariicda horumarineed ee Dowlad Deegaanku ka hirgelisay gobollada mudadii afarta sano ee ay xilka hayeen. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, waxaana uu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay xilligan in iskaashi dhaw iyo wadashaqeyn buuxda laga sameeyo la dagaallanka Kooxda Alshabaab. kullanka kadib Ra’iisul Wasaaraha iyo…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka iyo saraakiil kale ayaa maanta kulan la yeeshay xilibaanada iyo saraakiisha Hogaamineysa ciidanka Deegaanka Ee Is abaabulay kuna Wajahan Ceel buur iyo deeganada hoos yimaada. Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa u ballan qaaday in ay taageero dhinac walba ah uu maamulka siin doono ciidamda cusub ee dhawaan ku soo biiray howlgalka looga soo Horjeedo Alshabaab. Taliyaha ciidanka dhulka Gen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa dhankiisa ciidanka ku boggaadiyay ka go’naashahooda xoreynta deegaanadooda. Xilibaan Jacfar oo ka mid ah Golaha Shacabka ee baarlamaanka somalia ayaa isna dhankiisa…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isagoo ku hadlaya Afka Urur Siyaasadeedka KAAH, wuxuu ku dhawaaqay inuu ku martiqaadayo Puntland kooxda kubadda Cagta Soomaaliya ee 17jirada kuwaas oo ku guuleystay tartanka da’yarta Bariga iyo Bartamaha Africa. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Kharashka iyo wixii ku baxaya casuumaada ciyaartoydaas uu Ururka KAAH bixin doono. “Hambalyada iyo Bogaadinta aan u direyno Kooxda Kubadda Cagta ee Soomaaliyeed, ee ku guuleysatay tartanka da’yarta Bariga iyo Bartamaha Africa, waxaa inoo dheer in anigoo ah Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH aan halkan kaga dhawaaqayo, in Ururku uu Puntland ku martiqaadayo…

Read More

Hamza Abdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa caawa casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Addis Ababa cayaartoyda Xulka Qaranka ee 17 jirrada. Kuwaas Oo shalay ku guuleystay koobka cayaaraha Bariga iyo Bartmaha Afrika ee CECAFA Ee 17jirrada. Kooxda oo cayaartii u dambeysay uga adkaatay kooxda South Sudan 3 iyo 1, ayaa waxaa berri ay koobka Keeni doonaan magaalada Caasimada ee Muqdisho. Munaasabadda cashada waxa sidoo kale ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Goleyaasha dowladda. Maalinnimada berrito ayaa la filayaa iney soo gaaraan Magaalada Muqdisho Ciyaartoyda17jirrada Soomaaliya Iyadoona la qaban qaabinayo Munaasabado lagu soo dhaweyn doonno.

Read More

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa maanta daah-furay Shirka horumarinta Beeraha Puntland Kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah Iyadoona Shirka lagu aadiyay Maalinta cuntada Adduunka oo laga xusay Garoowe. Madaxweynaha Deni ayaa sheegay in Dowladdu siinayso ahmiyad gaar ah wax soo saarka, isagoona ku booriyay dadka Puntland in ay wax soo saarka badiyaan, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale Munaasabadda ka sheegay in Dowladiisu ay diyaarinayso Qorshe lagu maalgelinayo si macquul ah ganacsatada iyo dadka la yimaada hal abuurada ganacsi ee Beeraha iyo Horumarinta wax soo saarka.

Read More

Munaasabad ballaaran ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho Munaasabadaas Oo aheyd Sagootin iyo Soo dhaweyn, Waxaa lagu sagootinaayay Safiirkii hore Ee Dowladda Qatar Sidoo kale Waxaa lagu soo dhaweynayay Munaasabadda Safiirka Cusub Ee Dowladda Qatar U soo magacawday Dalkeena Soomaaliya. Safiirka Cusub Ee Dowladda Qatar U soo Magacawday Soomaaliya Abdallah saalim nasser Al holie ayaa ah Diblomaasi Sare, Waxaana dhawaan soo magacaabay Amiirka dalka Qatar , Dhanka Kale Safiirkii hore Ee Qatar U joogay Soomaaliya Xasan Bin Xamzah ayaa muddo 8sano uu dalkiisa uga wakiilka ahaa Soomaaliya dib ugu laabanaya dalkiisa, Qatar ayaa ah dalka labaad ee mashaariic horumarineed oo…

Read More

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS Mudane Salah Jama Oo maanta ka qayb galay munaasabadda maalinta cuntada Adduunka iyo maalinta Beeralayda Soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa Sheegay in Xukuumaddu ay si wayn ugu hawlan tahay sidii loo garab istaagi lahaa beeralayda isla markaana looga taageeri lahaa qalabka beeraha iyo fayo dhawrka dalagyada beeraha, Dhanka Kale Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay in ka badan 8 Milyan oo higtar oo diyaar u ah in wax lagu beero, in badan oo kalena loo diyaar garayn karo in wax lagu…

Read More

kaddib muddo lix maalmood oo uu u xirnaa hay’adaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya Xoghayaha guud ee ururka u dooda xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliya ee SJS Cabdalla Muumin, ayaa maanta dib U helay Xorriyadiisa, Cabdalla Axmed Mumin ayaana qaab damiin ah xabsiga looga soo daayay, Dhamaan Madaxda Ururada Saxaafadda ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin soo deynta Cabdallad Muumin, Iyagoona sheegay iney arki doonaan halka Kiiska Cabdalla Uu u jiheysto kadib markii uu dhammaado Mudada damiinkan oo ah 45Maalmood, Abdalla Muumin oo lagu xiray garoonka Aadan Cadde xilli uu doonayay inuu garoonka ka dhoofo, ayaa subaxnimadii hore ee saaka lasoo taagay maxkamadda…

Read More

Xildhibaan Maalik Cabdalla iyo saraakiil ciidan Uu Hogaaminaayo ayaa gaaray deegaanka Qoryaale ee duleedka magaaladda Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, Xildhibaanka oo ka mid ah golaha shacabka BJFS ayaa maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Jalalaqsi, Waxaana uu waday kulamo kula duwan uu la qaadanayay waxgaradka iyo maamulka degmadaasi si ay doorkooda uga qaataan kacdoonka Ka Socda Gobolka Ee looga Soo Horjeedo Kooxda Al Shabaab. Maalik Cabdalla ayaa deegaanka Qoryaale ee uu saakay tagay waxaa uu ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ee is garabsanaya ku dhiirigeliyay howlgalka ay sida Wadajir ah u Fulinayaan.

Read More