Author: Asad Shadhuuke

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan Oo Uu wehlinaayo Xildhibaan Cabdullahi Maxamed cali Sanbaloolshe, Saraakiil ciidaan siyaasiyiin iyo odayaasha Dhanqanka Gobalka Hiiraan ayaa Furimaha hore Ee dagaalka Gobolka hiiraan kula kulmay Ciidamo aad u hubeysan Oo ka tirsan Ciidanka dib u xureynta gobolka Gudoomiye Cali jeeyte Cismaan ayaa waajibaadkii ugu dambeeyey faray ciidamada Dib u xoreynta oo kaashanayo ciidanka xooga Dalka soomaaliyeed si loo xaqiijiyo Yoolka Nabad-galyada Deegaanada Gobalka Hiiraan oo Meelahii ugu dambeeyey looga saarayo Al-shabaab. Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane cali jeeyte Cismaan aya balanqaadyo kala duwan u sameeyey Ciidamada Dib u xoreynta, isagoo xusay in qofkii soo dilo…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa dalka Turkiga iyo Xukuumadda dalkaas u diray dhambaal tacsi ah oo ku saabsan muwaadiniinta ku geeriyooday qaraxa ka dhacay goob laga qodo dhuxul-dhagaxa oo ku taalla waqooyiga dalkaas. Xasan Sheikh Maxamuud ayaa yiri” “Anigoo ku hadlaya magaca dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan tacsi tiiraanyo leh gaarsiinaynaa dowladdaada iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga oo la muragaysan dhibaatada ka dhacday Gobolka Bartin.” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey muwaadiniinta Turkiga ee ku nafwaayey qaraxaas in Alle u naxariistiisa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkooda iyo dowladdooda,.

Read More

Waxaa isa soo taraya dhaleeceynta dowladda Soomaaliya kaga Imaanaya dowladaha caalamka iyo hey’adaha taageera Somaliya. Dhaleeceyntaa Oo ku Aadan Xariga Sharci darrada ah ee dowladdu kula kacday Xoghayihii Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Ee SJS Cabdalla Axmed Mumin. Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa Cambaareeyay Xariga Sharci darrada ah loo geystay Mr.Cabdalla. Qoraal ka soo baxay Safaarada Dowladda Mareykanka ku leeyahay Soomasliya ayaa lagu yiri”Mareykanku si dhaw ayuu ula socdaa xarigga Cabdalla Axmed Mumin Oo ahaa u ololeeyaha Xorriyadda Saxaafadda Sidoo kalena ah Taageere hormarinta Warbaahinta Madaxa bannaan. Sidoo Kale Dowladda Ingiriiska ayaa aad uga walaacsan Xariga Cabdalla Qoraalka dowladda Ingiriiska ayaa lagu…

Read More

Alllaha ha u Naxariistee Waxaa lagu dillay dalka Koonfur/Afrika Muwaadin Soomaaliyeed Oo Magaciisa lagu soo koobay NAJIIB. Najiib ayaa waxaa la sheegayaa in rag burcad ah Oo hubeeysan ay weerareen Xilli gaari uu Rooti ku wareejinayay Gudaha xaafadda Zwide township Ee Duleeedka Magaalada (Port Elizabeth) Xariir aynu la sameynay Jaaliyadda Somaliyeed Ee Halkaasi kunool ayaa inoo xaqiijin inay wax dhac ah ay u geysteen burcadu iyo in kale. Ciidamada booliska ayaa gaaray halka falka dilka ah uu ka dhacay iyagoona baaritaano ka sameeynaya burcadii ka dambeeysay toogashada. Sidoo Kale Xalay Muwaadin kale Oo Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dukaan uu shaqaale…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-Guddoomiyey Shirkii ugu horeeyay ee uu isugu yimaado Golaha Amniga Puntland. Golaha ayaa ka kooban Xubnahaan. Madaxweynaha (Guddoomiye)Madaxweyne Ku-xigeenka(Guddoomiye Ku Xigaanka)Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR (Xubin)Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda (Xubin)Wasiirka Maaliyadda (Xubin)Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta (Xubin)Wasiiru Dowaha Madaxtooyada (Xubin)Taliyaha Ciidanka Daraawiishta (Xubin)Taliyaha Ciidanka Booliska (Xubin)Taliyaha Ciidanka Asluubta (Xubin)Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda (Xubin)Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga iyo Ciidanka .Xubin. Kulanka ayaa ku saabsana kala warqaadasho Amni, Iyadoo Goluhu uu ka hadlay xaaladda Guud ee Amniga Puntland Gudaha iyo dibadda iyo hannaanka horumarsan ee Goluhu uga shaqeynayo Amniga iyo qorsheyaasha…

Read More

Hey’adda U dooda Xaquuqda Aadanaha Ee Amnesty Internatinal ayaa baahisay muuqaal kooban Oo ay ku soo bandhigeyso dilal 23Carruur ah ay u Geysteen Ciidamada Amaanka Dalka Iiraan. xilli dalkaasi Mudaaharaadyo xooggan uu ka Socdo. Amnesty Ayaa heshay Magacyada iyo muuqaalada carruurta ay dilleen Ciidamada Amaanka Iiraan. Amnesty ayaa sheegtay in 20kii september ilaa 30september intii ka dhaxeesay oo 10maalmood ah in 23ka carruurta lagu dillay Iiraan. Carruurta dilalka ay u geysteen Ciidamada Amaanka Ee dalka Iiraan ayaa ka kooban 20rag iyo Sadex gabdhood. Kuwaas Oo da’doodu midka ugu yarna uu yahay 11jir Halka midka ugu weyna uu yahay 17jir. Wadarta…

Read More

Ciidamada Booliska magaalada baraawe ayaa goor dhaweyd xabsiga baraawe u taxaabay Gudoomiyihii Hore Ee Degmada Baraawe Omar Sheikh Abdi Shafana Cumar Sheikh Abdi Shafana Oo ahaa Guddoomiyihii hore Ee Degmada Baraawe ayaa la sheegayaa in Xabsiga ay u Taxaabeen Ciidamada Booliiska Magaalada Baraawe. Lama Oga Sababta Xariga Cumar Sheikh Aadan dhalisay. Guddoomiyihii hore Ee Degmada Baraawe Haatanna u Xeran Ciidamada Booliiska Koonfur/galbeed ayaa kamid ahaa Xildhibaanada Golaha Deeganka Ee Degmada Baraawe. Mana Jirto Wax war ah Oo ka soo baxay Maamulka Degmada iyo Saraakiisha booliiska iyo Amniga Oo ku saabsan sababta Xabsiga loo dhigay Guddoomiyaha.

Read More

Dowlad Gobolleedka Puntland ayaa Soo bandhigtay Ciidamo ka Tirsan PMPF oo loo Tabbabaray hawlgallada gaar ka ah ee ka hortagga khataraha Bad iyo Beriba iyo Dhammaan dhagarta Argagixisada iyo waxkasta oo liddi ku ah Amniga iyo xasiloonida deegaanadooda. Ciidamadaan ayaa munaasabadii lagu soo bandhigayay ay ka dhacday Taliska Guud ee Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee magaalada Boosaaso. Waxaana Tabbabarka U soo xeray Taliyaha Hawl-gelinta ciidamada PMPF G/S Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac

Read More