11/Oktoobar/2022: (RBNNEWS.NET)Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Degmada Qoryooley Siid Cali Ibraahim Xasan oo ku geeriyooday Qarax ay Argigixisadu ay kula beegsadeen Degmada Qoryooleey. Madaxweyne Laftagareen ayaa tilmaamay in Argigixisada Alshabaab mar waliba ay Bartilmaameed uyihiin Haldoorada u adeegaya Bulshada iyo Qaranka Soomaaliyeed waxaana uu xusay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, laguna Xasuusto Doorkii uu ku lahaa Nabadaynta Bulshada Degmada Qoryooley iyo sida uga go’nayd inuu u adeego Shacabka Soomaaliyeed. “Innaa…
Author: Asad Shadhuuke
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka hadlay howl-galada Ciidanka Amaanka. Ciidamada amaanka oo maalmihii ugu danbeeyay howlgalo balaaran ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa ku guulestay burburinta shabakad isku xiran oo katirsan Maleeshiyaad Al-Shabaab, Hubkii ay ku dhibaataynayeen shacabka iyo Gaadiid. Sidoo kale ciidamada Amniga ayaa la wareegay 5-guri oo u kireys-neyd shabakadaas katirsaneyd Al-Shabaab.
Muqdisho, Oktoobar, 02,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federalka Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay danjiraha Dalka Ingiriiska Marwo Kate Foster. Danjiraha Dowladda Ingriiska ayaa Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed uga tacsiyaysay geerida taliyihii Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir Marxmuum Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) iyo Nabadoon Cilmi Xagar Guure, oo ku shahiiday dagaalka lagula jiro Kooxda aragagaxisa Al Shabaab, iyadoo soo hadal qaaday taageerada Golaha Shacabka BJFS, Amb. Kate Foster ayaa sheegtay in dowladda Ingiriiska ay taageereyso dadka ku wax yeeloobay abaaraha ka jira qaar kamida ah gobolada dalka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe…
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Safar shaqo ku jooga Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya ayaa kulan la qaatay Madax ka socotay Hay’adda USAID. Madaxweyne Laftagareen iyo Madaxda ka socotay Hay’adda USAID ayaa kulankooda looga hadlay Taageerida Ciidanka Darawiishta Koonfur Galbeed,Hirgelinta Mashaariicda Hormarineed,Taageerida Howlgalada Socday ee lagu Ciribtiraayo Argigixisada iyo Daadejinta Dhismaha Gollaha Deegaanka Degmooyinka Koonfur Galbeed. RBN NEWS SOMALIA
Magaalada Nairobi waxaa maanta ka furmay shirka Dowladda Soomaaliya iyo Ha,adda IMF ee hannaanka dib-u-eegista iyo horumarinta maaliyadda Dalka, Shirka ayaa waxaa lagu lafa-guray heerka siyaasadda dhaqaalaha iyo dib-u-habayntiisa Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumada Fadaraalka ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saaray xoojinta dhaqaalaha mustaqbal ka dhaw. Ee dalka. Wasiirka ayaa u mahadcelinayay dhammaan hay’adaha Dowladda ee shirka kala qeyb galay, sida Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Bangiga dhexe, Xafiisyada Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxtooyada. RBN NEWS SOMALIA
Xafiiska Ergayga Gaarka ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta ayaa ka shaqeeyay in dalka dib loogu soo celiyo 9 dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Liibiya muddo sanooyin ah, kuwaas oo gacanta ugu jiray kooxaha dadka tahriibiya. Dhallinyaradan oo xiriir la sameeyay Safarradda Soomaaliya ee Liibiya ayaa laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo ay ku soo dhaweysay Ergayga Gaarka ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta u qaabilsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo masuuliyiin kale. Dowladda Soomaaliya waxaa ay dadaal dheer ugu jirtaa sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanniban xabsiyada dalalka adduunka ay dib ugu soo celin lahayd…
Xildhibaano Katirsan Golaha shacabka Degan Dorashadoduna Tahay Maamulka Galmudug Qaybna Ka Ah Howgalka Kasocda Galmudug Ayaa Shegay inay Degano Kalawaregeen Ururka Al Shabaab Oo Mudo Ka Ariminayay Deganadaas. RBN NEWS SOMALIA
Cidamada dawlada somalia ayaa Howgalo Balaran Kasameeyay Degano Katirsan Gobalka Bakool Ee Maamulka Konfur Galbeed Somalia Howgalka Cidamada Dawlada waxa Ku Wehelinaya Xildhibano Katirsan Golaha Shacabka Oo Deegan Dorashadooda Tahay Konfur Galbeed Somalia. Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya maamulka gobolka Bakool ayaa Lawareegay Degaano Hoostaga Dagmada Xudur Ee Gobalka Bakool. Deegaanada sida gaarka ah howlgalka looga sameeyay oo ciidanka xoogga ay gaareen ayaa waxaa ka mid ah Farag, Wargaloole, Luwaay weyne iyo Huuyaley, waxaana deegaan isaga baxay Xubno Katirsan Ururka Al Shabaab Oo Mudo Ka Ariminayay Deganadaas. RBN NEWS SOMALIA
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed al-Saciid Axmed al-Baz. Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulankooda uga wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa. RBN NEWS SOMALIA
Wasiirka kuxigeen warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaliya cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala’ Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur shuuriye oo gaaray gaaraya Degmada baxdo ee Gobolka galgaduud iyo deegaanada uu ka socdo kacdoonka kooxda Alshabaab ayaa la kulmay dhaqanka iyo bulshada Baxdo Waftiga wasiirka ayaa sidoo kale kulan la qaatay saraakiisha heer federaal ee hogaamiyaana kacdoonka la doonayo in lagu xoreeyo degaanada Galmudug ka jogaan argagixisada Wasiir Alcadaala iyo Xildhibaan Cabdi Saabir ayaa lagu wadaa iney tagaan dhamaan degaanada ey ku diyaarsanyihiin Ciidamada iyo Dadka degaanka ee u diyaarsan xoreynta deeganada RBN NEWS SOMALIA