Author: Asad Shadhuuke

Muwaadin Mareykan ah ayaa lagu xiray Sacuudiga, waxaana lagu xukumay 16 sano oo xarig ah, kaddib qoraal uu ku dhaliilay boqortooyada sacuudiga Kaas oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, isagoo ku sugan Mareykanka. Sa’ad Ibrahim Almadi oo 72 jir ah oo ah maareeye mashruuc oo shaqada ka fadhiistay kuna nool Florida, ayaa la xiray bishii November ee la soo dhaafay isagoo booqanaya boqortooyada sacuudiga, waxaana la xukumay horaantii bishan. Wiilkiisa Ibraahim ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press u xaqiijiyey xarigAlmadi waa muwaadin ka soo jeeda Sucuudiga balse heysta dhalashada Mareykanka, Ma jiro wax hadal ah oo ka soo…

Read More

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Cusub ee Ciidamadda Turkiga Ee ka howlgala Soomaaliya. Dowladda Turkiga ayaa dhawaan taliye Cusub u soo magacawday Soomaaliya. Si taliyaha cusub Ee Ciidamada Turkiga Ee Soomaaliya iyo S/Guuto Odiwaa Yusuf Raage taliyaha ciidamada dhulka ee Somaaliya ay wada shaqeynti labada ciidan halkoodii kaga sii socoto ayuu taliye Odiwaa Xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Cusub Ee dowladda Turkiga U soo magacawday Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya.

Read More

Roobab dadka iyo duunyaduba ay ku diirsadeen ayaa xalay ilaa gelilinkii dambe Ee shalay ka da’ayay deegaano badan oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, Galgaduud Degmada Dhuusamareeb iyo deegaano dhowr ah ayaa laga soo warinayaa in roobabku ay ka da’een, Iyadoona isla xalay fiidnimadkii la soo warinaayo in biriq ay ku dhacday deegaanka Gadoon Ee hoostimaada magaalada Dhuusamareeb, Biriqda ku dhacday deegaankaan dhaca Bariga Dhuusamareeb Ee gadoon ayaa la xaqiijinayaa iney ku dhaawacmeen laba Ruux kuwas Oo goobaha caafimaadka lagula tacaalayo. Dhanka Hiiraan Meelo badan Oo kamid gobolka waxaa laga soo warinayaa in roobab ay ka da’een halka…

Read More

Ra’iisul wasaarihii hore Ee Soomaaliya Maxamed Xusein Rooble Oo ka hadlayay kullan weyne ay isugu yimaadeen saraakiisha madaxda xildhibaannada iyo qeybaha bulshada Ee ka soo jeeda Deegaanada Galmudug ayaa bulshada Reer Galmudug ku booriyay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab Ee ka socda deegaanada galmudug, Wuxuu yiri Maxamed Xusein Rooble”Haloo istaago dagaalka ka dhanaka ah Alshabaab aniga qudheyda waxaan diyaar u ahay inaan furrimaha ka dagaalamo,

Read More

Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha Dowladd Gobolleedka Hirshabeelle ayaa isaga Oo ku lebisan dharka Tuutaha Ciidanka Maanta furrimaha hore Ee dagaalka kula Kulmay Xildhibaano, masuuliyiin iyo saraakiil ciidan, kuwaa Oo uu kala hadlay howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab. Ee ka socda Gobollada Hiiraan iyo Sh,dhexe Ee ka tirsan Dowladd Gobolleedkiisa, Madaxweyne Guudlaawey ayaa kulanka kaddib shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Gobolka Shabeellaha Dhexe ugu baaqay inay ka qeyb noqdaan howlgallada dalka ka socda Ee looga soo horjeedo Kooxdea Alshabaab. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida iyo dadka deegaanka ee Al Shabaab ka xureeyay deegaanno badan, isagoo…

Read More

Amar ka soo baxay Taliyaha Booliiska ayaa la sheegayaa in lagu xeray Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Ee SJS Cabdalla Axmed Mumin, Mr.Cabdalla ayaa Wajaha Markale Xabsi kadib markii maalin kahor si damiin ah looga soo sii daayay Maxkamadda Gobolka Banaadir, Xilliga Ciidamadu ay Xerayeen Cabdalla mumin ayaa la sheegayaa inuu doonayay inuu la kulmo dhaqtarkiisa sababo la xariira xaaladiisa Caafimaad.

Read More

Qoraal kasoo baxay Kooxda TPLF ayaa loogu baaqay beesha caalamka inay ka qeyb qaataan sidii xabbad joojin deg deg ah ay u wada gaari lahaayeen iyaga iyo ciidamada dowladda Itoobiya ee garabsanaya kuwa Eritrea. TPLF ayaa sidoo kale qoraalka ay soo saareen uga codsatay beesha caalamka haddii ay ku guul dareestaan joojinta dagaalka in ay ka caawiyaan sidii ay isku difaaci lahaayeen ciidamada duullaanka kusoo qaaday. Madaxda TPLF beesha caalmka ugu baaqay in ay cadaadis ku saaraan ciidamada Eritrea inay isaga baxaan gobolka Tigray, isla markaana dowladda Itoobiya ay ku cadaadiyaan inay soo fariisato miiska wadahadallada. TPLFayaa sidoo kale shaaca…

Read More

Dalka Jarmalka ayaa shaacisay in ganaax lacageed ay ku soo rogtay shabakadda fariimaha la isku dhaafsado ee Telegram Wuxuuna ku eedeeyey inay ku guuldaraysatay inay u hoggaansanto shuruucda dalka Jarmalka. Lacagta ganaaxa ah ee lagu soo rogay shabakadda Telegram ayaa gaareysa illaa $5 milyan oo dollar. Xafiiska caddaaladda ee heer federaal ayaa sheegay in shirkadda iska leh shabakadda Telegram, inaan lagu dhisin hannaan sharci ah oo ka warbixinaya waxyaabaha sharci-darrada ah ee la dhex mariyo, iyo inaanay Jarmalka u soo magcaabin cid xariir rasmi ah lala sameeyo Oo ka socda Telegram Booliska heer federaal ee dalka Jarmalka ayaa sannadkan horraantiisii…

Read More

Bayaan ay soo saartay Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa xanibaad lagu saaray shabakad u qaabilsaneyd Kooxda Alshabaab soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo qorista askarta Ee koxodaasi, Brian Nelson Oo ah Kaaliyaha xoghayaha Maaliyadda Mareykanka ee arrimaha argagaxisada iyo sirdoonka maaliyadda, ayaa yiri “Waaxda Maaliyadda waxay diiradda saareysaa aqoonsiga iyo carqaladaynta shabakadaha sharci darrada ah ee Al-Shabaab ee ka hawlgala Bariga Afrika.” Waan sii wadi doonnaa inaan qaadno tallaabo ka dhan ah soo-gelinta hubka sharci-darrada ah iyo dhaq-dhaqaaqyada dhaqaale uruurinta ee Al- Liiska magacyada la shaaciyay ayaa kala ah: ABDULLAHI JEERI – oo la sheegay in uu si qarsoodi ah hubka…

Read More

Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan la qaatay saraakiisha Qaybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka . Kullanka Oo ahaa Mid wadatashi iyo qorsheynta howlgallada ka socda deegaanada Koonfur/galbeed ayuu ku boorriyay Wasiirku in Saraakiishu ay dar dar-galiyaan Howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab Ee ka Socda Deegaanada Koonfur/Galbeed Soomaaliya. Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga ayaa saraakiisha qeybta 60aad ku wargeliyay in dagaalka ay ku hogaamiyaan beelaha degga deegaanada Koonfur/galbeed islamarkaana ay ka dhabeeyaan howlgallka gobolka looga xureynayo Alshabaab,

Read More