Author: Asad Shadhuuke

Munaasabad si heer sare Loo soo abaabulay Oo ka dhacday xarunta Dugsiga ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee General Kaahiye ayuu kaga qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, Munaasabadaan ayaa waxaa Tababar loogu soo xiray saraakiil cusub oo kusoo biiray Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Guddoomiye Madaale ayaa Saraakiisha dhallinyarada ah ee tababarka loo soo xiray kula dardaarmay in si hufan oo daacadnimo ay kujirto ugu qidmeeyaan Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Read More

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magalada Vienna kula kulmay dhigiisa dalka Austria Mudane Wolfgang Sobotka. Kulanka labada mas’uul ayaa waxay kaga hadleen Mataaneynta labada baarlamaan ee Austria iyo Soomaaliya, iyadoo labada guddoon ay muhiimad gaar ah siiyeen sidii shaqaalaha iyo xildhibaannadda Golaha Shacabka ay u heli lahaayeen aqoon kororsi. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa Dowladda Austria uga mahadceliyey soo dhoweynta loogu sameeyey isaga iyo wafdigiisa. Guddoomiyaha Golaha Qaranka Baarlamaanka Austria, Mudane Wolfgang Sobotka, ayaa dhankiisa ballan qaaday Dowladda Austria iney diyaar u tahay in ay gacan ka geysato dagaalka lagula jiro…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa maanta xilka Si toos ah ugu kala u wareejiyey Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yarrow iyo Guddoomiyihii hore Sareeyo Guuto Maxamuud Axmed Xasan (Dalab) Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Guddoomiyihii hore uga mahadceliyay howsha uu so qabtay, waxaana uu Guddoomiyaha cusub kula dardaarmay inuu si daacadnimo ay ku jirto uu u guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Read More

Ciidamada Booliiska Magaalada Hargeysa ayaa gacanta ku soo dhigay Haweeney Jirdil U geysatay Gabar Yar Kadib Howlgallo Saaki ay ka sameeyeen Xaafadda New Hargeysa. Ciidamada Booliiska Oo dabagal ku hayay Haweeneydaan kadib markii ay heleen Muuqaalo Muujinaya Jirdilka gabadha ay kula kaceyso, Ciidamada Booliisku Waxay sheegeyn in Haweenaydan iyo gabadha yar ay ahaayeen Walaalo, sida ay ciidanka u sheegtay gabadha yari, iyadoo waalidka ilmaha yari ay degan yihiin magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer. Ugu Dambeyn Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga digaya falalka noocan oo kale ah.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar ugu ambabaxay dalka Itoobiya, Mudane Xaamse ayaa la sheegayaa in Safarkiisu uu khuseeyo ka qeyb qaadashada shirka caalamiga ee Madasha Tana oo looga hadlayo Amniga Qaaradda Afrika. Sida Warbaahinta Uu u xaqiijiyay Afhayeenka Xafiiska R’iisul Wasaaraha Soomaaliya Farxan Jimcaale

Read More

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka MaraykankaEe Soomaaliya Ambassador Larry Andre. Shirka Labada Mas’uul ayaa looga hadlay xoojinta maalgashiga iyo dadaallada wax soo saarka Beeraha Soomaaliya, Safiirka Mareykanka Ee Soomaaliya ayaa Sheegay in hay’adda Maraykanka u qaabilsan hormarinta ee USAID ay taageereyso hormarka ay wasaaradu ka samaysay dhiirigalinta Beeraleyda, koboca wax soo saarka, iyo siyaasada maalgashiga dalka.

Read More

Waxaa la Soo gabogabeeyay shirkii gaarka ahaa Ee Miiska_Gorfeynta_Marxaladda_Soomaaliya ay ka soo qeyb galeen Dalalka deeq-bixiyeyaasha oo hoggaan ay u yihiin hay’adda Lagacta Adduunka IMF iyo Bangiga Adduunka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi M. Nur ayaa ka qeyb galayaashii shirka la wadaagay dadaalka iyo horumarka ay Soomaaliya ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, Sidoo Kale Wasiirka ayaa ka hadlay Sida Dowladdu u fulisay dhammaan shuruudihii deyn-cafinta iyo taageerada looga baahnaa Saaxiibada caalamka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Elmi Mohamoud Nur ayaa xaqiijiyay in natiijo lagu farxo iyo taageero wada ogol ah ay kala kulmeen ka soo qayb galayaasha shirka gaarka ah…

Read More

Wareegto Heer Madaxweyne Oo Uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Markale Dib loogu Magacaaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida S/Guuto Liibaan Cali Yaroow Mr Liibaan ayaa Xilkaan Horay U hayay Waxaana ka qaaday Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Wuxuuna U magacaabay Farmaajo S/Guuto Maxamuud Axmed Xasan (Dalab).Kaas Oo isaguna Uu iminka xilka ka qaaday Madaxweyne Xasan Sheikh p

Read More

Inta la Xaqiijiyay Afar Ruux ayaa waxyeelo kala duwan ay ka soo gaartay Qarax Xooggan Oo Xalay ka dhacay Wadada Maka Almukarama gaar ahaan Tareebiyaano. Qaraxa ayaa la sheegayaa in lagu xeray gaari Saruf ah kaas Oo yiilay wadada Dhinaceeda. Dadka Waxyeelada ay ka soo gaartay Qaraxa Labo kamid ah waxay Saarnaayeen Mooto-Bajaaj Mareysay wadadaa Halka Labada Kalena goobta ay ka akdhawaayeen, Ciidamada Miino Baarista iyo kuwa Amaanka ayaa durba Goobta Qaraxa gaaray iyagoona Baaritaano ka sameeyay

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay Ururada Siyaasadda Puntland iyo Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, Kulanka ayaa ahaa is xogwareysi iyo dardargelinta Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland Kulanka ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, Mudane Cabdi Faarax Juxa.

Read More