Author: Asad Shadhuuke

Iska hor imaadyo Cusub Oo u dhaxeeya beelo Reer Suudaan ayaa ka dhacay qeybo kamid ah dalkaasi Suudan, Gobolka bluneyl ayaa la sheegayaa inay ka dhaceen iska hor imaadyadaasi kuwaas Oo la sheegayo iney ku dhinteen in kabadan 15ruux. Dagaalkan ayaa wuxuu salka ku hayaa isqabqabsi dhuleed. Beesha Howshan Oo kamaid ah beelaaha ku diriyaya gobolkaan ayaa la sheegaya inay tahay beeshii Ugu dambeesay Ee soo degtay Gobolka bluNeyl iyadoona beelaha kale ay u diideen inay dhul kuyeelato taas oo ay ka biyo diideen iyaguna. Saameyn weyn ayuu ku nooshay nolosha dadka ayuu yiri mid kamid ah jaaliyadda soomaaliyeed Ee…

Read More

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay xaalad dagaal oo lagu soo rogay afar gobol oo Ruushku dhowaan ka qabsaday dalka Ukraine, xilli ay ciidmada dalka Ukraine ay isku deyayaan inay dib u qabsadaan gobolladaasi. Putin ayaa fadhi fogaan arag ah oo uu yeeshay Golaha Ammaanku, ku sheegay inuu saxiixay go’aan ku saabsan in xaalad dagaal lagu soo rogo gobollada Ukraine laga qabsaday ee Donetsk, Luhansk, Kherson, iyo Zarporizhzhia, kuwaas oo dhammaantood uu Ruushku si sharci darro ah ugu daray dalkiisa. Putin faahfaahin badan kama bixinin tallaabooyinka xiga ee la qaadi doono, ka dib xaaladda dagaal ee gobolladaas lagu…

Read More

Waxaa fiidnimadkii xalay Magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyey 17 ruux oo kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka kala dhacay Magaalooyinka Jalaqsi iyo Buula-burte ee Gobalka Hiiraan. Dhaawacyada waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Maareenta musiibooyinka Qaranka Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan. Waxaana durba loo sii Gudbiyay Goobaha caafimaadka si xaaladooda caafimaad loola tacaalo. Dadka ku nafwaayay qaraxii shalay ka dhacay magaalooyinka Buuloburde iyo jalalaqsi waxaa kamid ah duqii magaalada Jalalaqsi Aadan Maxamed Ciise, iyo Gudoomiyihii degmada Maxamed Nuur Cagajoof Dabbaashe oo xilkaasi laga qaaday dhowaan balse aan weli xilka-wareejin. Guddoomiye ku xigeenka degmada Jalalaqsi ayaa…

Read More

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay Fiidkii ku toogtay Gudaha Degmada kaaraan Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Dilka Oo ka dhacay agagaarka Kaawada Kabasiin Ee ka tirsan Waaxda Nageyle Ee degmada Kaaraan. ayaa la sheegayaa inay fuliyeen kooxo dhallinyaro ahaa Kuwaas Oo ku hubeysnaa bastoolado. Afhayeenka Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Doodishe.Oo bartiisa facebook qoraal kooban Oo ku aadan dilkaan soo dhigay ayaa sheegay in raggii dilkaasi geystay gacanta lagu soo dhigay Wuxuuna yiri” Shacabka ku dhaqan Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadur ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo ka tirsan Alshabaab kuwaasoo isku dayay inay…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur( Madoobe) ayaa gellinkii dambe Ee Shalay gaaray Caasimadda Luxembourg City ee dalka Luxembourg, Golaha Wakiilada Baarlamaanka Luxembourg Mudane Fernand Etgen ayaa Wafdiga Guddoomiyaha ku soo dhaweeyey Luxembourg, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyey dhigiisa dalka Luxembourg Mudane Fernand Etgen, Soo dhaweyntiisa waxa uuna sheegay inta uu ku suganyahay dalkan uu kala hadli doono horumarinta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Read More

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Dowladd Gobolleedka Puntland ayaa maanta si rasmi ah u furay Bandhigga Buugaagta ee Nugaal iyo hal-abuurka dhallinyarada, oo socon doona muddo labo maalmood ah. Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Buugaagta lagu soo bandhigay Kullanka, wuxuuna muujiyay sida Dowladda ay muhiimad gaar ah u siinayo Afka, dhaqanka, Qoraalka iyo Akhriska. Isagoo ku dhawaaqay in Dowladdu ay sameynayso guddi qora sooyaalka taariikhda Puntland iyo marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray. Bandhigga Buugaagta ee Nugaal, ayaa waxaa kasoo qeybgalay qorayaal abwaano Isaga kala yimid Gobollada kala duwan ee Soomaaliya, Waxaana inta uu socdo halkaasi lagu soo bandhigi doonnaa Buugaag kala…

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo iyo Mas’uuliyadda ka saaran Shacabka Qeybahooda kala gedisan ee ku dhaqan Caasimadda, ayaa waxa uu xog-wareysi la yeeshay qeybo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka qaba oo ku sugnaa wadooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha oo socdaal ku maraayay mid ka mid ah wadooyinka aadka u mashquulka badan ee Caasimada Muqdisho ayaa waxa uu u dagtay dadkaan baahiyaha gaarka qaba oo wadadaasi ku sugnaa, Waxa uuna mid mid u xog-wareystay shacabkaasi, asigoo ka dhageystay duruufaha ku gadaaman, isla markaana u balan qaaday in…

Read More

FaahFaahin Qaraxyo ka kala dhacay Buuloburde iyo Jalalaqsi.Qarax Jugtiisa inta badan laga Maqlay Degmada Buuloburde iyo deegaanada ku xeeran ayaa la sheegayaa inuu burburiyay buundadii Degmadaasi. Buundadan Oo muhiimad gaar ah u laheyd isu socodka gaadiidka isaga kala goosha magaalada ayaa haatan waxa ay wajaheysaa burbur xooggan kadib qaraxa maanta ka dhacay. Sawiro laga soo qaaday buundada ayaa lagu arkayaa buundada oo dhexda ka kala go’san Dhanka kale Weerar qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Jalalaqsi ayaa waxaa ku dhintay Gudoomiyihii degmada iyo dad kale. Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Weeraradaan qaraxyada ah iyadoona qeybo badan Oo kamid ah…

Read More

Wasiir Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali iyo wafdi uu horkacayo ayaa magaalada New Delhi ee Dalka Hindiya kaga qayb galay meertada 90-aad ee Shirweynaha Booliska Adduunka ee INTERPOL. Wafdiga wasiirka ayaa waxaa qeyb ka ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi ka kooban saraakiil Sarsare oo ka socda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Shirka oo ay ka soo qayb galayaan madax ka kala socota in ka badan 165 dalka ayaa socon doona inta u dhexaysa 18 ilaa 21 bishan Oktoobar. Waxaa looga hadli doonaa ka hortagga denbiyada maaliyadeed ee caalamiga…

Read More