Author: Asad Shadhuuke

Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa u kuur-galay xaalada Caafimaad ciidamadii maanta ku soo dhaawacmay dagaalkii cuslaa Ee ka dhacay Deegaanka Masjid cali_gaduud Ee gobolka sh/dhexe. Dagaalkaas Oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka Oo isgarabsanaya iyo Alshabaab. Guddoomiyaha ayaa eebe ugu baryay dhamaan dhaawacyada kusoo waxyeeloobay Howlgallada dalka ka socda Ee looga soo horjeedo Alshabaab in uu caafimaad deg deg ah Alle uu siiyo, Wuxuuna intaasi raaciyay guddoomiyuhu in ka maamul ahaan ay garab taagan yihiin ciidamada kala gedisan ee Qalabka sida iyo Shacabka Dagaalka kula jira Alshabaab.

Read More

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada DJabuuti Ee Caasimadda dalkaasi Jabuuti. Safarka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la shaagayaa inuu dalkaasi jabuuti kaga qeyb gali dooni shir lagaga hadlaayo Cimilada iyo Abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka. Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Dalka jabuuti ayaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ee dalkaasi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxa uu wada-hadallo ku qotoma iskaashiga labada dal ee dhanka amaanka iyo la dagaallanka argagixisada la yeelanayaa dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Read More

Salah Jaamac Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa shir kula yeeshay xubno kamid ah Golaha Wasiiradda Shir kaasi oo looga hadlaayey Isbadalka Cimilada Adduunka iyo saamaynta uu dalkeenna ku yeeshay. Wasiiradda ayaa kullanka ka soo jeediyay warbixinno ku saabsan hawlaha Wasaaradda walba ku leedahay Isbedelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka. Sidoo kale Ra’iisul wasaara ku xigeenka ayaa dhankiisa kula dardaarmay Golaha Wasiirada inay ka shaqeeyaan qaabkii Wasaarad walba uga qayb qaadan lahayd ilaalinta deegaanka oo shalay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu daahfuray mashruuca dhiraynta dalka oo loogu magac daray Soomaaliya cagaaran si dalkoo dhan dhir…

Read More

Waxaa goordhaw Soo gaaray Magaalada Garowe Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo Oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya, Diblumaasiyiin, Isimo iyo Ganacsato. Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland iyo Ku xigeenkiisa ayaa Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenk koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe Ayaa Siweyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Garowe. Wafdigaan ballaaran Ee uu hogoominaayo Madaxweynaha dowladd deegaanka ayaa la filayaa…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah furay qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaar ah,Isagoona ku beeray guriga Ummadda geed ka mid ah 10 Malyan oo geed oo lagu dhireynayo dalka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda dhirtu ay u leedahay dalkeenna oo abaaro soo noq-noqday ay aafeeyeen, saameyn xoogganna ay ku yeelatay duruufihii adkaa ee dalku soo maray, taas oo sababtay nabaad-guur xooggan oo saameeyey nolasha iyo deegankaba. “Burburkii ku dhacay dalka kaliya ma saameyn dadka ee dhibaato xooggan ayuu gaarsiiyey deegaanka Soomaaliyeed, waxaa naga guuray xayawaanaadkii iyo dhirtii uu caanka ku ahaa dalkeennu. Dib u dhiska dowladnimada waa…

Read More

Waxaa saacadihi ugu dambeeyay lagu dillay Dalka Koonfur/afrika muwaadiniin Soomaali Oo Qaxooti Ahaa Xalay Saqdii dhexe waxaa lagu dilay dukaan uu shaqaale ka ahaa Oo kutaala tuulada Ndada Misinyati ee duleeedka magalada Durban ee gobolk KZN. Wiilka Sawirkiisa idin Muuqda Kaas Oo lagu Magacaabayay Mohame dahir ahmed. Sida ay inoo xaqiijiyeen ehelada Muwaadinka la dilay ayaa waxaa la sheegay in dukaanka uu shaqaalaha ka ahaa ay burcad hubeysan u gargaraceen abaara 1-dii habeenimo ee saqdii Dhexe ee xalay. iyagoona dabadeed rasaaseeyo taasi oo keentay geerida Muwaadinka Soomaaliyeed. Lama sheegin wax dhac ah oo ay dukaanka u geysteen madaama aysan gudaha…

Read More

Sida Warbaahinta Maxalliga ah Uu u sheegay Ridwan Hussein oo ah la taliyaha amniga qaranka ee ra’iisal wasaaraha Itoobiya waxaa Toddobaadkaan dhexdiisa lagu wadaa inuu dib u bilawdo Wadahadalladii U dhaxeeyay Dowladda Itoobiya iyo TPLF. Masuulkaan ka tirsan dawladda Ethiopia ayaa sheegay in ururka Midawga Afrika uu qorsheeynayo in wadahadallada u dhexeeya dawladda Itoobiya iyo kooxda Tigray-gu inay ka dhacaan Koonfur Afrika, bishan October 24-keeda, taasoo la doonayo in lagu soo afjaro colaadda wakhtiga dheer qaadatay ee ka socotay qeybo kamid ah dalkaasi. Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray Diblomaasiyiint ku boorrinayay dawladda Itoobiya iyo ciidamada Tigrayga inay isla meeldhigaan…

Read More

Waxaa maanta Markabkii ugu horreeyay Ee xamuul sida uu ku soo xertay dekedda iskaashiga lagu dhisay Ee Garacad Gobolka Mudug dhanka Puntland. Markabka ayaa lagu Magacaabaa AK Hamburg Kaas Oo u raran Shirkadda Barwaaqo una sida Shamiito. Muuqaalo iyo Sawiro laga soo qaaday Xilliga uu ku soo xerenaayay Markabka Dekedda.Ayaa laga dheehanayaa sida Nabdoon Ee uu dekedda ugu soo xertay. Markab xamuul ah oo sida badeecad ganacsi ayaa markii u horraysay maanta ku xirtay dekedda Garacad ee Gobolka Mudug. Inkastoo dekedda ay hore ugu soo xirteen maraakiib qalab dhisme u siday haddana markabkan waa kii u horreeyay ee badeecad ganacsi…

Read More

Waxaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho Madaxa he’adda qaxootiga Aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo Loo Yaqaano (UNHCR) Filippo Grandi. Garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho Waxaa ku soo dhaweeyay Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi. Inta Uu dalka Joogo Filippo Grandi waxaa lagu wadaa inuu kulamo kala duwan la yeesho Madaxda dowladda federaalka ah sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ra’isul wasaare Xamze Barre, wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallim Fiqi iyo hey’adaha kale ee daneeya arrimaha qaxootiga iyo barakacaasha. Dowladda Soomaaliya ayaa waddo qorsheyaal lagu hormarinayo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha iyada oo ballanqaadday meelmarinta…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 73 ee 20-ka Okoober 2022, kuna saabsan magacaabid La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoonteeda iyo waayo-aragnimadeed shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Luul Maxamed Warsame Awad loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, Wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Read More