Author: Asad Shadhuuke

Sh. Shariif Sh.Axmed Madaxweynihii hore dowladda Kumeel gaarka aheyd Ee Soomaaliya ayaa maanta ku booqday Guriga uu ka degen yahay Magaalada Istanbuul Guddoomiyihii hore Ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Qoraal Uu Sh.Shariif Sh Axmed ku soo qoray bartiisa Facebook ayuu ku yiri” Bismillahi, Waxaan magaalada Istanbuul wadanka Turkiga ku booqday Guddoomiyihi hore ee Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Waxaan kala sheekeystay xaaladdiisa caafimaad, wuuna fiicnaa waxaan u rajaynayaa Guddoomiyaha in Ilaahay caafimaadka u siyaadiyo., Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa dhawaan xannuun soo Wajahay darteed dalka Turkiga loogu qaaday. Iyadoona dabadeed warar been…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Guddoomiyayaasha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir, Magacaabista Xilalkan ayaa timid kaddib soo jeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Madaxweynaha Sommaaliya ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir u magacaabay Garyaqaan Siciid Cali Maxamed oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Sidoo kale waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir u magacaabay Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyayaasha uu magacaabay inay ka shaqeeyaan sarreynta sharciga iyo xallinta cabashooyinka caddaalad darro ee ka imaanaya Muwaadiniinta Soomaaliyeed. Xeerkan Madaxweyne Oo ku…

Read More

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa maanta kormeeray fariisimaha ciidanka xoogga dalka ay ka sameysteen degaanka xawaadley Ee gobolka sh/dhexe.halkaas Oo dhawaan ay alshabaab kala wareegeen ciidanka dowladda soomaaliya. Taliyaha ayaa ku booriyay Ciidanka Xoogga Dalka Ee ku sugan deeganka xawaadleey kaalinta ay kaga jiraan difaaca dalka dadka iyo diinta. Wuxuuna kula dar-daarmay Ciidanka joogtaynta howlgalada ka dhanka ah kooxda al-shabab. Degaanka xawaadleey ayaa waxaa ku taalo buundo Muhiim u aheyd kooxda Alshabaab taas oo ay isaga kala gudbi jireen gobollada dhexe iyo gobollada koofureed.

Read More

Liz Truss, Oo ah ra’iisal wasaariha Ingiriiska ayaa sheegtay inay iska casishay jagadaasi. Liz, ayaa sheegtay inay la kulantay 1,922 xubnood, guddoomiyihii guddiga Sir Graham Brady maanta. Dhamaan waxay ku wargelisay iscasilaadeeda waxayna isku raaceen in todobaadka soo socda ay dhacdo doorashada hoggaanka dalka lagu dooranayo. Balse Waxey isku raaceen inay sii heyn doonto xilka ra’iisul wasaaraha inta laga dooranayo qofka bedeli doona. Hadaba waa maxay sababata ay isku casishay Liz Truss, !Truss ayaa sheegtay in aysan qaban Karin waxyaabaha horyaalla ee loo doortay taasina ay tahay sababta ay xilka isaga casishay. Tobaneeyo wariyeyaal ayey ka hor sheegtay inay xafiiska…

Read More

Cabdikariin Kaamil Wuxuu ahaa Muwaadin Soomaaliyeed kaas Oo Gaari Rooti Ku Wareejinayay Duleeedka Magalada Gqeberh (Port Elizabeth). Kooxo Hubeysan Oo burcad Koonfur/Afrikaan ah ayaa Toogtay Xilli uu Shaqadiisa ku gudo jiray. Booliska ayaa gaaray goobta lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed iyadoona baaritaano ay ka sameeyay Goobta falk uu ka dhacay. Waa muwaadinkii labaad oo isago gaari Rooti ku wareejinayo lagu dilo deeganada hoostagta magalada Gqeberh Port Elizabeth labo isbuuc gudaheed

Read More

Maleeshiyo beeleed kasoo kala jeeda laba beel oo Wada degta gobalka shabeelaha dhexe ayaa xalay is rasaaseyn ku dhexmartay tuulada Cadoow Uul ee Gobolka Sh.Dhexe.. Inta la xaqiijiyay Waxaa ku geeriyooday 2 dhallinyaro ah halka 2 kalena ay ku Dhaawacmeen. Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor, Maamulka Deg.Cadale, Gen.Tareedisho, Wasiir Washington iyo Saraakiil kale oo Maalmahaan ku sugnaa degmada Cadalle ayaa ku baxay iyagoona ku guuleystay inay kala qaboojiyaan, lana kala qaado Maleeshiyo beeleedka. Haatan heshiis hordhac ah ayaa laga gaaaray Israsaaseynta waxaana la filaa in Mardambe aaney isku laaban

Read More

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Qaranka Wasiirrada Waxbarashada heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee dalka. Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wasiiradda sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa dadaallada tayeynta iyo baahinta adeegyada waxbarashada. Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirrada Dowlad-goboleedyada dalka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey baahiyaha waxbarasho ee jira iyo sidii heerarka kala duwan ee dowladda iskaga kaashan lahayeen suurta-gelinta kordhinta fursadaha waxbarashada, manhajka iyo imtixaanaadka shahaadiga ah. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay ka go’antahah tayeynta iyo kordhinta fursadaha waxbarasho,…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Beledweyne halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Gobolleedka Hirshabelle, Mudane Yusuf Axmed Xagar, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan, Masuuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre socdaalkiisu ayaa daaran xoojinta dagaalka lagu ciribtirayo Alshabaab iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanku ay kula jiraan Kooxdaasi. Waxaa magaalada Beledweyne Horey ugu sii sugnaa Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Haweenka, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale. Waa Socdaalkii labaad ee Ra’iisul Wasaare…

Read More

Booliiska Dalka Malaawi ayaa Waqooyiga dalkaasi ka helay Xabaalo Wadareed ay ku Aasnaayeen haraaga 25qofood kuwaas Oo loo mlaeynaayo inay ahaayeen Tahriibayaal Itoobiyaan ah, Afhayeenka booliiska Peter Kalaya oo la hadlay AFP ayaa sheegay in Talaadadii la soo dhaafay ay heleen Qabriga deetana aagga, Isagoo intaasi ku daray inay bilaabeen inay soo saaraan illaa hadda, waxaan helnay 25 mayd,” ayuuna yiri afhayeenka. Boolisku waxaa arintaan ku soo wargeliyay dadka ku nool deegaanka Mzimba oo qiyaastii 250 KM dhanka waqooyi kaga beegan caasimadda Lilongwe, kuwaas oo ka kor dhacay qabriga xilli ay malab kasoo ururinayeen meel kayn ah. “Waxaan ka shakisanahay…

Read More

Guddoomiyaha Xarriirka Kubada Cagta Ee Soomaaliya Cali Shiino ayaa sheegay in Dalka south-Sudan ay ku marti qaadi doonaan Soomaaliya. Ciyaar saaxiibtinimo Oo labada dal ayaan wadanka kuwada Ciyaari doonnaa Weliba garoonka Kubadda Cagta Ee Stadio-Muqdisho ayuu yiri guddoomiyuhu, Sidoo kale Mr Cali Shiino Guddoomiyaha Xarriirka Kubadda Cagta Ee Soomaaliya ayaa sheegay in Burburkii dalka kadib South-Sudan ay noqon doonto dalkii Ugu horreeyay Ee wadankeena Ciyaar saaxiibtinimo u yimaada, Guddoomiyaha xariirka kubadda cagta Ee soomaaliya cali shiino ayaa hadalkaan ka jeediyay xaflad casho Sharaf ah Oo maamulka gobolka banaadir ay u sameysay CiyaarYahanada 17jirada Soomaaliya, Dhawaan Kullan SamaFinal ah Oo ay…

Read More