Author: Asad Shadhuuke

Xasan Bin Xamsa Hashim Safiirka dalka Qadar Ee Soomaaliya ayaa caawa Casuumaad ka helay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa cabdi barre. Xukuumadda Soomaaliya Ee uu Majaraha u hayo Mudane Xamsa cabdi barre ayaa Safiirka kaga mahad celisay hawshii uu ka qabtay Soomaaliya intii uu ahaa Danjiraha dalka Qadar u fadhiya magaalada Muqdisho, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Carabka ku adkeeyay in xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qadar uu yahay mid soo jireen ah, isla markaana ay Xukuumaddiisa ka go’an tahay inay sii xoojineyso iskaashiga labada waddan u dhaxeeya. Dhankiisa Safiirkii dalka Qadar Ee Soomaaliya u fadhiyay balse haatan la badalay ayaa muujiyay…

Read More

Sida wararka aynu ku heleyno waxaa dalka koonfur/Afrika dil dhaawac iyo dhac loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo halkaasi shaqo u joogay. Allah ha u naxariisto Maxamud cilmi ayaa u Geeriyooday kadib markii rasaas ay ku fureen koox burcad ah xilli uu joogay dukaan uu ka shaqeeynayay Oo kutiilay deegaanka etwetwa ee gobolka Gauteng. Sidoo kale waxaa dhaawac uu soo gaaray Muwaadin kale Oo Soomaaliyeed Kaas Oo magaciisa lagu sheegay Abdi barre Mohamed . Ciidamada booliska koonfur/afrika ayaa gaaray dukaanka la weeraray iyagoona baaraya burcadii ka dambeeysay toogashada iyo dhaca dukaanka. Waxaa mid caadiya ka noqotay tuulooyinka iyo deeganada Wadankani koonfur_…

Read More

Tan iyo maalintii Jimcihii dalka Uganda waxaa lagu arkay kiisas horleh oo la xariira Xanuunka Ebola. Illaa 11 qof oo cusub oo ku sugan caasimadda Kampala ayaa la sheegayaa in laga helay xanuunka Ebola, arrintaas oo sii kordhisay walaaca laga qabo faafitaanka xanuunkan. Maamulka caafimaadka ee dalka Uganda ayaa xaqiijiyay illaa 75 xaaladood oo xanuunka Ebola ah, tan iyo 20-kii bishii Sebtembar, waxaana geeriyootay illaa 28 qof oo ka mida dadka uu xanuunku Soo ritay. Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) laanta Afrika ayaa toddobaadkii hore sheegay in cudurka Ebola ee ka dillaacay Uganda “inuu si degdeg…

Read More

Basma Caamir Axmed Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xiirey Axmed Rooble ayaa deeq gaarsiiyay Barakacayaal ku sugnaa Kaam ku yaala Deegaanka Garasbaaley, Guddoomiyaha Deegaanka Garasbaaley iyo Mas’uuliyiin kale oo ka socday Maamulka Gobolka Banaadir oo goobta ku sugnaa ayaa mid mid u dul tagay qoysaska barakacayaasha ahaa kuwaa oo caawa deeqda la gaarsiiyay. Basma Caamir Axmed (Jakeeti) Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegtay in iyagoo fulinaya Awaamiirta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ee caawa dadkaan…

Read More

Kullan leysugu keeni lahaa dowladda itoobiya iyo kooxda Tplf ayaa maanta baaqday balse waxaa lagu wadaa inuu berrito uu qabsoomo. Kullankan leysugu keeni doonno labada dhinac ee isku haya itoobiya ayaa waxaa garwadeyn ka ah ergeyga gaarka ah ee Midawga Afrika Olusegun Obasanjo oo ay wehelinayaan madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika Phumzile Mlambo-Ngcuka iyo madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta. Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonnaa sidii loo soo afjari lahaa colaadda gobolka tigrey iyo Sidii hishiis loo dhex dhigi lahaa dowladda Itoobiya iyo Tplf. Dowladda Itoobiya Iyo Tplf ayaa dagaalo xooggan waxa uu ku dhexmarayaa gobollo badan…

Read More

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Jabuuti, mudane Xasan Cumar Maxamed (Burhaan) iyo Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee dalkaas, Jeneraal Sakariye Sheekh Ibraahim. Wasiir Cabdulqaadir ayaa ugu horreyn kaga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil walaal, garab istaagga iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda soomaaliyeed Isagoona soo bandhigay guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo AS.. Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimadda in labada dal ay si dhow isaga kaashadaan dagaalka Socda. si nabad, horumar iyo barwaaqo ay ugu noolaadaan shucuubta soomaaliyeed iyo guud ahaan tan…

Read More

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta goob fagaaraha ah oo ku taalla degmada Maxaas ku siiyay lacag dhan $10.000 Askar ka tirsan guutada 5-aad qeybta 27-aad oo shalay howlgal qorsheeysan oo ay ka fuliyeen degmada Moqokori ku dilay 2-xubnood oo kamid ah. Alshabaab. 2-Askari Oo fuliyay howlgalkaasi ayuu gacanta ka saaray midkiiba $5.000 lacagtaasi Oo aheyd ballan qaad uu horay u soo jeediyay guddoomiye Jeyte ciidanka dowladda iyo kuwa dib-u-xoreynta deegaanka. Munaasabadda lacag wareejinta Oo ka dhacday fagaare kutaala Degmada Maxaas Waxaa sidoo kale Ku sugnaa Xildhibaanno baarlamaanka fedaraalka ka tirsan xildhibaanno baarlamaanka Hirshabelle kamid ah Saraakiil ciidaan…

Read More

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Wasiirrada Maaliyadda, Amniga iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarrada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa lagu soo bandhigay qorshe cusub Oo dowladdu ay ku dooneyso inay kula dagaalanto dhaqaalaha alshabaab Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sameysay hab gaar ah oo shacabka Soomaaliyeed ugu soo gudbin karaan dadka aruuriya lacagaha al-shabaab ay ka qaadaan Ganacsatada. Wasiir ku xigeenka Wasaarrada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa sheegay in Dowladdu sameysay lambaro gaar ah oo ay gacanta ku hayaan shaqaale loo tabbabaray. Isaga Oo warfidiyeenada U aqrinayay Qorshaha cusub Ee dowladda ka soo baxay…

Read More

Waxaa saaki lagu arkay goob u dhaw Hospital-ka Xooga dalka Gabar Da”deeda lagu qiyaasay 20-Jir midibkeeduna Maarin cadaan xigeen yahay. Qof ka mid ah dadka degaanka oo Salaadii subax u soo kacay ayaa arkay Meydka gabartan Wuxuuna RBN u sheegay in gabadhu uu indhihiisu saaray Wuxuuna isagoo ka argagaxsan dhacdadu hadalka sii raaciyay gabadhu waxaa Afka u marsanaa Xitaa Rooseeto. Dhacdadaan gabadhani da’yarta noloseeda ay ku weysay waxay tiro ahaan ka dhigeysaa 24-saac gudahooda Gabadhii sadaxaad oo lagu arko Muqdisho lana ogeyn cidda dishay Xilli Aroornimadii hore Ee shalay lagu arkay Xaafadda Haanta dheer Ee Magaalada Muqdisho qol ay ku…

Read More

Waxaa la soo warinayaa in daadad Xooggan ay ku soo rogmadeen xaafado kamid ah Magaalada Qardho. Daadadkan ayaa yimid kadib markii ay fatahmeen biyo farabadan Oo uu keenay roobab da’ayay. Inta la xaqijiyay waxaa ku dhintay daadad kaan hal ruux. Xaafado badan Oo Magaalada ayaa go’doonsan daadadka awgii.. Waxaana daadka magaalada harqiyay inta badan keena dooxooyin Waaweyn oo magaalada soo gala kuwaas Oo fataha markii biyaha ay ka tan bataan. Waxaa iminka ka socda Magaalada Qardho soo badbaadinta dadka meelaha go’doonsan ku jira. j

Read More