Author: Asad Shadhuuke

Qoraal dheer oo lagu daabacay pagga Rasmiga ah ee Wasaaradda warfaafinta Ee Eretaria ayaa markii ugu horreysay looga hadlay ciidamada dowladdaasi ay u tabbabarto soomaaliya xariirka kala dhaxeeya dowladda soomaaliya iyo dalal la sheegay inay carqaladeynayaan xariirka soomaaliya iyo Eretaria. qoraalka ayaa lagu bilaabay safaradda Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay dalkaasi ee tirada labada jeer ah iyadoona la sheegay in safaradaasi ay qeyb ka ahaayeen iskaashiga labada dowladood ee arimaha gaarka ah ee quseeya iyo in madaxweynaha soomaaliya uu soo booqanayay Ciidamada dalkiisa ee dalkaasi tabbabarka loogu sameynayo. Eretaria ayaa si cad qoraalkeeda ugu tilmaamtay inay jiraan dalal kamid ah…

Read More

Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday Ee Muuse biixi cabdi ayaa maanta guddoomiyay shir xisbigiisu ay ku yeesheen magaalada hargeysa ee caasimadda maamulkaasi Somaliland. Kulankan oo uu madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubnaha guddida fulinta, ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay dardargelinta hawlaha xisbiga, iyada oo warbixin dheer lagaga dhagestay guddiyo xisbiga katirsanayd ee uu hoggaaminayey guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere, taas oo dhawaan socdaal shaqo kusoo martay gobollada kala duwan ee dalka. wasiirkii hore ee maaliyadda, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ahna xubin katirsan guddida fulinta xisbiga KULMIYE ayaa Ugu horrayn, ku hadlay…

Read More

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Itoobiya ay koronto ka dhalisay biyo xireenka weyn ee ay ka waddo webiga Niil iyadoona si rasmi ah u shaacisay inay awood u leedahay inay koronto geyso dalalka deriska la ah. Waaxda Korontada Itoobiya ee (EEP) ayaa sheegtay in khadka isku xira labada dal ee keynya iyo Itoobiya ay ku kacayso 500 milyan oo doolar uu awood u leeyahay inuu gudbiyo 2,000 megawatts, isla markaana uu soo saaro ilaa 100 milyan oo doolar sannadkii. Safiirka Itoobiya ee Kenya Bacha Debele Jimcihii ayaa jimcihii ku soo qoray bartiisa Twitter-ka “Waa mashruuc muhim ah oo ku wajahan…

Read More

Qoraal ka soo baxay guddoomiyaha golaha shacabka soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada koonfur/galbeed shir dib u heshiisiineed kaas oo lagu xalinayo tabashooyinka jira. Sheikh Aadan Madoobe ayaa ku sheegay qoraalka in shir wadatashi uu la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed waxayna wada hadaladaas gogol xaar u noqon doonaan shirweynaha uu guddoomiyaha ku baaqayo. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in ujeedada shirka dib u heshiisiinta in ay tahay in la xaliyo dhammaan tabashooyin walbo oo ka dhax jira bulshada iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed lana adkeeyo midnimada…

Read More

CIIDAMO KA TIRSAN LAAMAHA AMAANKA AYAA LAGU WEERARY GUDAHA SUUQA BAKAARAHA EE MAGAALADA MUQDISHO. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar gaadmo ah oo maanta ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha Ee gudaha magaalada muqdisho. Weerarkaan ayaa la sheegayaa inay geysteen rag loo maleynayo inay ka tirsanaaayeen Alshabaab waxaana lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dhar-cadka Ee ka tirsan sirdoonka soomaaliya. Weerarka oo ku bilawday Bamb-Gacmeed ayaa la sheegayaa inuu xigay rasaas toos ah oo lagu furay ciidamada ka tirsanaa laamaha amaanka soomaaliya Ee ka howlgalla gudaha suuqa bakaaraha. inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan ku dhintay…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Maxaas oo kamid ah deegaanada uu ka bilawday dagaalka ka dhanka ah alshabaab ee ka socda qeybo badan oo kamid ah gobollada dalka. waxaana wafdiga Madaxweynaha halkaas kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeen ka Hirshabelle Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan,Xildhibaanno, Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo shacabka deegaanka. Xasan sheikh Maxamuud Madaxweynaha soomaaliya ayaa goob fagaare ah kula hadlay boqolaal dadweyne oo isugu soo banbaxay soo dhaweyntiisa. “Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xaradheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan…

Read More

Wareegto ka soo baxday guddoomiyaha gobolka Benaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa maanta xilalkii looga qaaday qaar kamid ah guddoomiyayaasha gobolka banaadir iyadoona kuwa kale lagu magacaabay. Gddoomiyayaasha Degmooyinka Boondheere.Waaberi iyo Hodan ayaa xilalkii laga qaaday iyadoona loo magacaabay guddoomiyayaal kale sida uu Shir Jiraa’id ku faah-faahiyay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Md. Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere).

Read More

Xilli hakad uu ku yimid maalmihii ugu dambeeyay dagaalkii ka dhanka ahaa Kooxda Alshabaab Ee ka socday qeybo kamid ah gobollada dalka ayaa maanta waxaa safar lagu dhiiri gelinayo howlgalladaasi ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa warbixino iyo macluumaadka dagaalka ka soo dhageysan doonno Talisyada iyo Saraakiisha hogaamineysa howlgalladaa. Isagoona dhankiisa la filayo inuu ku bogaadiyo Ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka sii xoojinta dagaalka iyo isku xernaanta dhinacyadooda kala amar qaadashada xilliyada howlgallada ay socdaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud Sidoo kale waxa uu u…

Read More

Wayrax Khaliif Yuusuf iyo Yuusuf Xuseen Cabdi waxay siyaabooyin kala duwan dilal bareer ah uga geysteen d gudaha magaalada Kismaayo balse maanta ayaa iyagana la soo taagay tiirka cadaaladda si loogu fuliyo qisaasta dadkii horay ay u dileen. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay labadaasi Eedeysane oo horay dilal kala duwan uga gaystay magaalada Kismaayo Ee Xarunta kumeel gaarka dowladd gobolleedka Jubbaland. Raggaan Xukunka toogashada lagu fuliyay ayaa kamid ahaa Ciidamada Jubbaland kuwaas siyaabooyin kala duwan dad ugu dilay gudaha Magaalada Kismaayo. Wayrax Khaliif Yuusuf ayaa 25-kii November 2020-kii dil…

Read More

Kadib markii uu soo idlaaday Madasha Wadatashiga Qaran Ee dowladda Soomaaliya iyo Dowlad gobolleedyada dalka. Madaxweynayaasha Dowlad gobolleedyada dalka ayaa si Wadajir ah kaga qeyb qaatay Qorshaha Soomaali Cagaaran.Iyadoona masuul kasta uu hal geed beeray. Tallaabadan ayaa Madaxda Soomaaliyeed ku dhiirrigelinaysa qorshaha Soomaaliya Cagaraan oo ka mid ah waxyaabaha hortebinta leh, ee dalkeennu u baahanyahay in laga shaqeeyo sidii Dalka loo dhireyn lahaa, taasi oo muhim u ah wax soo saarka iyo kahor tegista nabaad guurka.

Read More